Xukuumadda Kulmiye Ayaa U Baahan Doorasho Degdeg Ah ( Snap Election. )

0
Sunday December 19, 2021 - 11:57:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Kulmiye Ayaa U Baahan Doorasho Degdeg Ah ( Snap Election. )

    W/Q: Bashiir Tarabbi Oogle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Bashiir Tarabbi Oogle

Aan ku horreeyo in furidda ururada siyaasaddu tahay heshiis dastuuri ah, tobankii gu'-ba mar in la furo. Waxaana muuqda in ururada durba ay ka soo dhex muuqdaan mudanayaal dalkani u baahan yahay in mar lagu tijaabiyo hoggaaminta, sida Cabdillaahi Dheere, Saleebaan Xaglotoosiye, Mustafe Shiine. Mudanayaal ay bulshadu iyagana hadal hayso waxaa ka mid ah mudane Xasan Ciise, dhaqaaleyahan Jamaal Cali, kuwo arrimo farsamo isu gaabinaya iyo qaar qabiilka doortay oo aan beryahan dibnaha furaynin.

 

Doorashada la soo hor mariyo iyada oo aan wakhtigeedii gaadhin, waddamada habka wakiilada istixmaala, waxaa keena laba arrimood. - In ay jirto ammuur markaa taagan oo u baahan in kalsoonida shacabka laga eego iyo midaw markii hore xukuumadda lagu soo dhisay oo khilaaf siyaasi ah dabadii furfurmay.

 

Xukuumadda Kulmiye waxay ku timi reero iyo salaadiin la isu baryey. Waxaa iyaduna intaa dheer inta siyaasiyiin, suxufiyiin, aqoonyahan iyo madax dhaqameed u soo dadaaley guusha Kulmiye oo maanta dhaliilsan, wax kalsooni ahna ku qabin xukuumadda kulmiye.

 

Illaahay ha u naxariisto, suldaankii guud ee Soomaalilaan, suldaan Maxamed suldaan Cabdulqaadir iyo aqoonyahankii, suldaan Cumar suldaan Maxamed midna kalsooni kama ay haysan xukuumadda maanta joogta. Waxaa iyaguna aan wax kalsooni ah ku qabin xukuumadda maanta, Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali, Suldaan Xasan Suldaan Cabdulqaadir iyo malaha dhammaan Madaxda dhaqanka.

 

Waxa aan iyaguna kalsooni idinku qabin kooxihii Masaajida iyo kuwii Muusiga oo aad isaga soo hor jeeda, fankii iyagu waxay noqdeen qaar iskaga baxay busaarad darted, kuwo laga saaray iyo in Xamar iska dhiibtey. Iimaamadii masaajiddadu qadoodi bay ku seexdaan. Wadankii dhaqaaluhu kama soo raynayo. Saxaafaddu waxay ku quusteen isha Cali ka laalaada. In aad waraysi siisaan ayay idiinku yimaadeen haldoorka saxaafadda Soomaalidu, weriye Cabdisalaan Hereri iyo weriye Ilig, laakiin waad la garnaqsateen si cadho leh. Miyaad suxufi dambe isugu timaadeen madaxtooyada. Ganacsatadii la xushmeyn jirey, ee markay xumaato lagu carari jirey waxaad ku tijaabiseen in aad casishaan oo weliba afxumo loogu daro.

 

Xukuumadda Kulmiye yay isku halaynaysaa?  Kulmiye ha isku eego doorasho lix bilood wakhtigeedii ka soo hormarta, hoggaanka fulintana ku xigeenka, mudane Eng Saylici ha u dhiibtaan, halka uu gaadayo qalalaase mudada loogu kordhiyo.

 

Bashiir Tarabbi Oogle

Hargeysa, Soomaalilaan.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...