2022 Waa In Uu Ka Duwanaadaa Labadii Goor Ee Hore 2002 iyo 2012 Sidii Ururada La Isku Abaabulay Iyo Qaabkii Lagu Doortay

0
Sunday December 19, 2021 - 11:39:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    2022 Waa In Uu Ka Duwanaadaa Labadii Goor Ee Hore 2002 iyo 2012 Sidii Ururada La Isku Abaabulay Iyo Qaabkii Lagu Doortay

    W/Q: Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Abdi Jama

Waxa ay mudo koobani ka hadhsan tahay markii sadexaad ee fursad ay helaan muwaadiniinta jamhuuriyada somaliland ay ka qayb galaan siyaasada dalka iyaga oo maraya habka dastuurka qaranka qodobka 23naad faqradiisa 3aad dhigayo , qodobka 9aad ee dastuurku bayaamiyey loona raacayo xeerka ururada iyo axsaabta siyaasada xeer lr-14/2021.

 

Haddaba doorkani waa in uu ka duwanadaa labadii goor ee hore loo qabtay tartankan oo kala ahaa sanadkii 2002 , sanadkii 2012 , 2022 waa in dhawr wax ba aynu badelnaa oo ah ;

 

1- Ururka waxa loo raadinayaa hebel siyaasada ku soo jiri jiray ama dadka ka tilmaaman waa qalad , Ururka waa in ay ku bahoobaan muwaadiniin aragti iyo barnaamij ku mideysani .

 

2- Ururada reer hebel baa leh ee waa in la helaa kuwii beelaha kale iyaduna waa qalad ururada iyo axsaabta siyaasada waxa lagu aasaasaa dastuurka dalka iyo xeerarka ka farcama oo intuba sheega xuquuq iyo waajibaad muwaadin somalilabder ah , qabiilka uu doono ha ahaado , gobolka uu doono ha ka soo jeedo waa in aanu jirin narrative kaasi qaldan ee hore loogu xumeeyey nidaamka dimuqaradiyadeed ee dalka.

 

3- Urur salkiisu qabiil lagu bineeyo oo ay oday dhaqameedyo geed hoostii uga soo taliyaana looma baahna , ama urur dadka in gaar ahi ku midowdo sida dhalinyaro kaliya , haween kaliya dadka waaweyn oo kaliya ee waxa aynu rabnaa ururo qaybaha bulshada oo dhami ka qayb qaadato oo leh aragti siyaasadeed oo uu midwaliba ku maareynayo baahiyahooga iyo duruufahooga.

 

4- Ururo ay furtaan ganacsato , wadaado iwm oo danahoogu ku lidi yihiin danaha qaranka ama isku bahaystay wax aanay dadka ka lahayn sida diinta oo kale looma baahna , waxaa ay ina galin karaan fawdo , talo maroorsi iyo in ay u adeegaan in kooban oo bulshada ka mid ah .

 

5- Ururo dhaqaale iyo siyaasado dawlado kale dabada ku haya waa in aynu ka taxadirnaa si aan mustaqbalka dalkan loo waayin , waana in ay cadahay meelaha uu ururku dhaqaalaha ka helayo iyo in muwaadiniintu u siman yihiin gudihiisa oo kala duwanaanshaha afkaartu ka shaqeynaysaa.

 

Markaa yaan wakhtiga la inagaga qaadin waxii aynu labaatan (20 yrs ) la soo il darnayn ee dalka ragaadka ka dhigey , waana in aynu uga gurmanaa dalka iyo da yartaba wadooyinkii iyo qaababkii loo aasaasay axsaabtii iyo ururadii hore oo aynu midhaheega aragnay.

 

Macnaha guud maaha in qofwaliba urur iska furanayo ee ururka aad soo wadaa muxuu aaminsan yahay siyaasada dibada iyo gudahaba,  muxuu ka qabanayaa baahiyaha iyo duruufaha adag ee ay dadkeenu ku nool yihiin , ujeedada laga leeyahay maxay tahay ma sida axsaabta joogta ayuun baa ay noqonayaan salaan siyaasada lagu koro ?

 

Muwaadin su'aalahan oo dhami adiga ayey kuu yaalaan ogow waxa wax loo sameysanayo ee lagu tartamayaa waa mustaqbalkaaga iyo ka ubadkaaga markaa maanta ayaad fursad haysataaye aad uga feker codkaaga , caqligaaga , cuudkaaga iyo cududaada cidii aad ku biirin lahayd.

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...