Caloshood U Shaqaystiyo, Caado Qaate Xamar Tegay, Cideebaymetelayaan, Cashuurta Xamar Ha Boobeen. Cidwaliba Ka Dheregtaye
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B]
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHA.
CALOSHOOD U SHAQAYSTIYO,CAADA QAATE XAMAR TEGAY,
CID WELIBA KA DHEREGTAYE,CASHUURTAASI CUNA XAMAR,
CIDNA AAN METELAHAYAN,CUUDKAY SOO SHAQAYSTAANA,
CAMIRAYUUN DALKEENANI,CAFISKII HADDAAD U DIIDEENBA,
CISHO DHAW FARMAJANA,CARARYOO WUU BAXSANAYAAYE,
TALADOODII CAKIRAN TAHAY,CIRKA MIYAY SALAAN DHIGAN,
CARADIISA RUUX NACAY,CARCARAAF MA HURAYO ALA BADAY,
CALOLYOWGA LAMA LEDO,CUQUBADA DALKIISIYO,
CEEBINA U DHEER TAHAY,CIRKA IYO DHULKUBA NECE,
CADAW RUUX U CAMALFALAY,CALANKIISA CAASIYEY,
CIDHIB MA LEH ADUUNYADAN,CIQAAB AKHIRAW TAAL,
CAYDH WEEYAAN ISMOOGO,CIBAADO LAGA AQBALINO,
CIIDIISA RUUX XADAY,CALAAMADAHA U LEEYAHAY,
CABSIDA KA KAWOO,CIMRIGIIS KU NOOL YAHAY,
CIDNA MA AMINAAYO,CAGTA MEESHU DHIGAYIYO,
CUQDADAA FOGAYSAYO,CUNTADUU KA BAQAYAA,
CADHADA IYO XANUUNKAIYO,CIIL KAANBIGAA DILA,
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!