Ururada Siyaasadu Way Furan Yihiin Dadkuna Way Isku Abaabuli Karaan Ururo Siyaasadeed

0
Saturday December 18, 2021 - 10:08:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 971
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ururada Siyaasadu Way Furan Yihiin Dadkuna Way Isku Abaabuli Karaan Ururo Siyaasadeed

    Sida Xeerku Dhigayo Haddii La Islagartay In Uu Xeer 14/2021 Dhaqan Galyahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida Xeerku Dhigayo Haddii La Islagartay In Uu Xeer 14/2021 Dhaqan Galyahay

"Umaduhu waxa ay ku kala horumareen sidii ay u ilaashadeen xuquuqahooga iyo waxa shuruucda dalkoogu siisay ,,

 

                         Siyaasadu waa halka dalku ka hagaago ama ka xumaado mana aha wax in kooban iyo kooxi gaar u leedahay ee waa xaq iyo xuquuq uu leeyahay muwaadin kasta oo dalka jamhuuriyada Somaliland ahi , in loo ilaaliyaana ay tahay waajibaad dastuuri ah oo saaran hayadaha ku shaqada leh iyo xukuumada.

 

Dalka jamhuuriyada Somaliland waxa lagu dhaqaa oo umadu ku heshiisay waa dastuurka iyo xeerarka qaranka jamhuuriyada Somaliland , markaa dastuurka dalku waxa uu si cad u qeexayaa in ay siyaasada dalku tahay saaxad furan oo muwaadin kastaa xaq u leeyahay in uu ka qayb qaato sida ku cad qodobada dasturka ee kala ah ;

 

Qodobka 9aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland , nidaamka siyaasadeed ee dalka .

 

1- Nidaamka siyaasadeed ee jamhuuriyada Somaliland waxa saldhig u ah nabad , talo wadaag , dimuqaradiyad , iyo hanaanka xisbiyada badan .

 

2- Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee Somaliland kama badnaan karaan saddex (3) xisbi.

 

3- Iyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo xisbi siyaasi ah , waxa reeban in xisbi lagu dhiso goboleysi iyo qabyaalad.

 

Qodobka 22naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland ,Xuquuqda siyaasadeed ,dhaqaale ,bulsho iyo xaqa doorashada .

 

1- Muwaadin kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb galo hawlaha siyaasadeed ,dhaqaale ,bulsho iyo hidaha si waafaqsan xeerarka iyo dastuurka.

 

2- Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo waxa uu xaq u leeyahay in la doorto ,waxna uu doorto.

 

Qodobka 23naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland , xoriyada dhaqdhaqaaqa iyo is-abaabulka .

 

1- Qof kasta oo muwaadin ah ama si xeerka waafaqsan dalka ku jooga , waxa u xor u yahay in uu dalka ka maro ama ka dago meel kasta oo uu doono , iyo waliba in uu ka baxo ama ku soo laabto dalka marka uu doono.

 

2- Arimaha ku xusan faqrada 1aad ee qodobkan waxa ka reeban meelaha ama waqtiyada xeerku ka reebayo marideeda ama degideeda .

 

3- Muwaadiniintu waxa ay xor u yihiin in ay isku habeeyaan ururo siyaasadeed , cilmiyeed , dhaqameed , bulsheed , xirfadeed ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka .

 

4- Waxa reeban urur kasta oo leh ujeedooyin lid ku ah danaha umada , ama qarsoodi ah , ama leh qaab ciidan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan xeerka waji kasta ha lahaadeene.

 

Waxa sadexdan qodob ee dastuurka soo raacay oo adkaynaya oo si wanaagsana u sii cadeynaya Xeer.Lr.14 oo ah xeerka ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland oo uu qodobkiisa 6aad odhanayo sida tan;

 

Qodobka 10naad kala reebida xisbiyada/ururada ku tartamaya doorashada tooska ah.

 

1- Sadexda xisbi/urur ee doorashada dawladaha hoose ka hela 20% codadka gobol kasta ayaa loo aqoonsanayaa xisbi qaran lana siinayaa shahaadada aqoonsi xisbi.

 

2- Hadii hal xisbi oo kali ahi ku guuleysto doorashada oo uu ka helo 20% codadka gobol kasta . gudidu waxa ay u aqoonsanaysaa xisbiyo qaran isaga iyo labada xisbi ee ku soo xiga isugeynta codadka boqolayda gobol kasta.

 

3- Hadii ay is leekaato tirada boqolayda gobolada ee laba urur ama ka badan waxaa lagu kala saarayaa tirad guud ee codadka ay ka helaan (hal dheeri ).

 

4- Hadii ururada siyaasadeed midna gaadhi waayo 20% waxa ay gudigu u aqoonsanayaan xisbiyo qaran sadexda xisbi ee ugu tiro badan codadka doorashooyinka tirada boqolayda gobolada dalka .

 

5- 10 kii sanadoodba mar baa la abuuri karaa ururo siyaasadeed si waafaqsan xeerkan , hase yeeshee waa in urur siyaasadeedka la abuuraa 6 (lix) bilood ka hor maalinta la qabanayo doorashada tooska ah.

 

Haddaba waxa isweydiin leh iyada oo aynu arkayno sida dastuurka iyo xeerarka dalka jamhuuriyada Somaliland u adkeeyey una ilaaliyey xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland iyo nidaamka dimuqaradiyadeed ee axsaabta badan , sababta ilaaa marwalba la isugu dayayo in la siyaasadeeyo.

 

Xiligani aynu joogno axsaabta siyaasada ee jirtaa ma yihiin kuwii dastuurka dalku sheegay , oo ma buuxiyeen ujeedooyinkii loo sameeyey mise waxa ay hayaan wado aan tii aheyn dalkani kaga badbaadayey hadimooyinkii shuruucda laga sameystay ?

 

Danta dadka jamhuuriyada Somaliland iyo danta siyaasadeed ee sadex qof oo ka mid ah mid kee wayn , hadii maanta lagu dagaalami waayo xuquuqaha dastuuriga ee dadka jamhuuriyada Somaliland barito yaan la isweydiin qarankaasi waxa ka xumaada iyo dhibaatooyinka soo gaadha , sababta oo ah muwaadin waliba haduu xaqiisa waayo uma af-duubnaan karo sadexda xisbi ee jira waxaana abuurmi doona kalitalis iyo kooto siyaasadeed dalkan dib u rida , abuurta xasilooni dawooyin iyo dhibaatooyinkii dalkan laga soo saaray.

 

Markaa dastuurka dalka iyo xeerarka ayaa ka midan danaha siyaasadeed ee sadexda xisbi ee WADDANI, KULMIYE iyo UCID , dadkana yaan been lagu soo abaabulin waxa la isku hayaa waa danta axsaabta siyaasada iyo danta qaranka midkee wayn.

 

Axsaabta siyaasada waxa ay mudo xileedkoogii ( parties mandate ) kaga eeg yahay bisha Dec 23 2022 sida ku cad qodobka 8aad ee Xeer lr-14/2021 oo odhanaya ;

 

Mudada Shahaadada Xisbinimo

 

1- Mudada shahaadada xisbinimo ee xisbiyada qaranku waa 10 sano oo ka bilaabanta maalinta  shahaadada xisbinimo la siiyey.

 

2- Shahaadada waxa xisbi/urur ku heli karaa ka qayb galka doorasho toos ah oo loo qabtay ururada iyo axsaabta siyaasada,  isla markaana uu si rasmi ah uga mid noqday sadexda xisbi si xeerka waafaqsan.

 

3- Xisbiyada ay ka dhacdo mudada shahaadada xisbinimo ee la siiyey ma gali karaan doorashada madaxtooyada, wakiilada iyo deegaanka,  waxayna ahaanayaan xisbiyada ku meel gaadhka ah ilaa inta laga qabayo doorasho toos ah oo ay ku soo baxayaan xisbiyo qaran.

 

4- Ururada cusub iyo xisbiyada ka qayb galaya doorashada tooska ah , waa in diwaan galintooda la qabtaa lix (6) bilood ka hor dhamaadka mudada shahaadada xisbinimo.

 

Markaa halkani waxa ku cad in axsaabta siyaasada 23 May 2022 waxii ka horeeya la diwaangaliyaa , madaxweynaha waxa laga sugayaa gudigii diwaangalinta ee ku unkamaysa xeer qodobka 6aad ee xeer lr-14/2021 in uu magacaabo si ay u qabtaan hawsha diwaangalinta ururada iyo axsaabta siyaasada.

 

Mohamed Abdi Jama (Mohamed Dhimbiil)

Mob : +252634429221

Email : [email protected]

Hargeisa,  Caasimada Jamhuuriyada Somaliland 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...