Ila Qosol, ... Cabdullaahi Maxamed Cumar

0
Saturday December 18, 2021 - 09:54:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol, ... Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Nabad Iyo Caano Akhristayaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabad Iyo Caano Akhristayaal.

Bariidadaasi kaddib, waa sheeko kale oo ka mid ah taxanaheennii, Ila qosol.

Sheekadeena maantu waxay ku saabsan tahay, oday da' ah (gaboobey) oo reer miyi ah iyo haween.

 

Oday aad u gaboobey oo gogol yaal noqday, ayay isaga iyo islaantiisii oo iyana da' ahi geli jireen buulcaws yar.

 

 Xilli barqo ah ayuu odaygii soo kacay. Wuxuna u holaday, xaggii kaynta - si uu ugu soo xaajoguto. Haddaba markii uu soo xaajo gutey, ayuu xaggii buulashii oo isu-wada-eg u soo kacay. Dabadeedna, inta uu buulashii kala garanwaayey; ayuu mid iska galay!

 

Haweenkii reerka oo markaasi isku soo baxay, ayaa arkay odaygii oo buul kale oo aan koogii ahayn sii geliya. Markaasay inta ay qosol iyo qaylo isku dareen, ay ku yidhaahdeen odaygii, " Ee hebelow buulku kiinnii maaha ee waa ka xaggan kiinniii!"

 

Haddaba markii uu xaqiiqsaday, in xisaabtii ka khaldantay - siidhigana lagu afuufay; ayuu haweenkii ku yidhi, " Haweenoow, waxaan looba wadahadal baa jira oo ah;  kaaba nin kama ihi ee waan jiifsadaa uun, kanna waan jiifsan lahaa oo ima kala xigaan!"

 

Horaa loo yidhi, " Oday waa abees!"

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: [email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...