Weli Adiga Oo Maalin Jooga, Talefishanka Aad Daawanaysaa Ma Ku Yidhi, Wararkeenna Caawa ... ?!!

0
Saturday December 18, 2021 - 09:49:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 952
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weli Adiga Oo Maalin Jooga, Talefishanka Aad Daawanaysaa Ma Ku Yidhi, Wararkeenna Caawa ... ?!!

    W/Q: Kamaal Marjaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Kamaal Marjaan

Baahinaha talefishan ee adduunku waxa ay isugu jiraan kuwo hawada ku jira saacado xaddidan maalin kasta iyo kuwo 24 saac ku jira. Kuwan dambe waxa ay u sii qaybsamaan talefishanno baahinahoodu ay 24 saacba cusub yihiin iyo qaar saacado xaddidan la cusboonaysiiyo kaddibna la soo celceliyo, tusaale ahaan kuwo 6 saac ah oo afar jeer Maalintii la soo celiyo, kuwo 8 saac ah oo saddex jeer la soo celiyo ama kuwo 12 saac ah oo laba jeer la soo celiyo, si loo buuxiyo 24 ka saac ee maalinta.

 

Marka kuwa Soomaalida laga reebo, talefishannada badankooda waxaa dhaqan u ah, in baahinta war ee soo noqota laga saaro ereyada iyo guud ahaan calaamadaha muujinaya in uu kii hore yahay. Si taas loo suurtageliyana waa in dib loo duubo warka ama in marka hore loo dhigo qaab aan muujinayn waqti xaddidan; tusaale ahaan marka warka habeennimo la baahinayo, in weriyuhu uu ka dheeraado ereyada "Caawa ama maanta; ku soo dhowaada warkeenna habeennimo, ama madaxweynaha dalka ayaa maanta booqday cisbitaalka guud ee caasimadda, ama war degdeg ah”

 

Sideedaba, qofku waxa uu jecelyahay xogta cusub, sidaas awgeed haddii uu maqlo ereyo muujinaya in warkani waqti hore ahaa waxa ay nafsad ahaan dilaysaa xiisihii uu u qabay, xitaa haddii warka aanu isagu hore u maqal, waxa aanay sumcad dilaysaa talefishanka oo laga yaabo in uu ka qaato faham ah in wararkiisu mar kasta kuwo hore yihiin. Waa se ay ka duwan tahay marka qofka loo sheego in warkani shalay ahaa, waxa ay keeni kartaa in uu sii dhegeysto xitaa isaga oo hore u ogaa, si uu xog dheeraad ah uga dhex raadiyo.



Marka qofka oo maalinnimo jooga uu war-tebiyuhu isticmaalo, ‘Caawa, ama maanta iyada oo aanu warku maanta dhicin’ xiise dilka ka sokow dad badan waxa ay ku keentaa jaahwareer. Waa sababta ay u fiicantahay in xitaa Barnaamijyada soo noqda dusha sare lagaga qoro ‘Ku celis’.


FADLAN, warkaaga ka ilaali ereyada, ‘Caawa, Maanta iwm’

- "Wararka caawa” ama "Habeennimo”; waxaa ka fiican, "Wararka talefishan XX”

- "Masuul hebel oo maanta hadlay” waxaa ka fiican "Masuul hebel oo hadlay sabtida 18 ka December”

Mahadsanid

W/Q: Kamaal Marjaan

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...