Xanuunka Macaanku Xayawaanka Ma Ku Dhacaa ?

0
Saturday December 18, 2021 - 09:40:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xanuunka Macaanku Xayawaanka Ma Ku Dhacaa ?

    W/Q: Dr.Ibraahin Dhuxul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Dr.Ibraahin Dhuxul.

Jawaabta su'aashani waa Haa, gaar ahaan waxa uu aad ugu badan yahay kuwa guryaha lagu rabaysto (Pets), sida Eyda iyo Bisadaha. waxaana uu aad ugu dhaca kuwa ay da'doodu weyn tahay, kuwa yaryar iyo kuwa dheddig xilliyada dhalmada sida bini aadamka oo kale. Xanuunkan waxaa ku dhaca xayawaanka labada nooc ee ku dhaca dadka, waxaana ay muujiyaan xayawaankani calaamada ay muujiyaan dadka marka uu ku dhaco oo kale. Xayawaankan waxaa lagu dawayn karaa in irbadaha macaanka laga siiyo maqaarka sare marka la ogaado nooca uu yahay, waxa la sheegaa haddii xaaladooda loola socda si dhaw inay muddo dheer la noolaan karaan xanuunkan sida dadka oo kale.

 

Macaanku waa xanuun degdeg ah ku dhaca ganaca, ama khalkhal ku yimaada dheecanada uu soo daayo ganacu. Badanaa waxaa lasheega in ay sababaan dhawr arimood oo ay kamid yihiin: buurnaanta xadiga badan iyo iska fadhiga faraha badan ama iyadaan la isticmaalin sonkortii cuntadii la cunay jidhku kasoo saaray. Imisa nooc ayaa looqaybiyaa macaanka.? Waxaa looqaybiyaa laba nooc oo kala ah, nooca koobaad oo ah nooca aan la soo saarayn dheecaanka insuliin-ta ee ay dhinteen unugyadii soo saarayay, iyo nooca labaad oo ah nooca insuliin-tii la soo saaraayo balse aanay shaqaynayn oo ay daashay.

 

Xigasho: Ururka dhakhaatiirta mareekanka ee xayawaanka.

American Veterinary Medical Association (AVMA).

 

Mayeedhaan Magazine.

[email protected].


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...