Soonka Iyo Sayniska. "Intermittent fasting", Soonka Islaamka laga Soo dheegtay. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.
Soonka, waxaa lagu qeexaa: waa iska daynta, cuntada, biyaha, galmada iyo IWM,
muddo cayiman, kana bilaabanta waaberiga ilaa cadceed dhaca. Waa habka
islaamiga ah ee diinteennu bannaysay. Waa habka ugu saxsan ee loo soomo
faralka bisha Rabadaan, Shuwaalka, Khamiista iyo Isniinta iyo dhammaan
sunnayaasha diintu jidaysay. Soonkani waa soonka lagu helo janno,
denbidhaaf, naxariis iyo abaalmarinta Alle guud ahaan. Caafimaad ahaana
waa mid muhiimaddeeda leh Allena innooga markhaati kacay.
Laakiinse, waxaa jira dhawr soon oo kale geddisan. Guud ahaan marka laysku wada qaado soonka oo dhan, waxaa kale tagsiiyey xilliga, u jeedada iyo sharcinimadeeda.
1. Habka soomista 24 saac ba 16 saac oo ka mid ah. Waa hab soomaha u
horseedaya caafimaad buuxa. Waa habka ugu casrisan, dhakhaatiirtuna
xilligan la joogo kula taliyaan bukaanadu in ay soomaan. Waana habka
diinteennu inoo jidaysay taariikh fog horteed.
2. Habkana waa qaab ka ku suntan soomidda todobaadkiiba laba jeer,
iyadoo shanta caanomaal ee kale la guddoomayo wixii cunto cabbid iyo
jidiina la helo. Waana habka labaad ee ugu caansan caafimaad ahaan.
Balse, qaabkani waa qaab isna rasuulku inoo jideeey. Laakiinse
cilmibaadhayaashu ka dhigteen qaaciido caafimaad. Waa kale horidda
maalmaha, iyadoo soonqaadanayo maalinta khamiista iyo Isniinta. Waa
dariiq cuddoon oo rasuulkeennu inoo jideeyey, laakiinse, culimada
saynisku ay istinbaadeen, hab casriyana innooga dhigeen. Waa sida uu ku
doodayo suxufiga iyo dakhtarka Reer Ingiriis Machael Mosley. Waxa uu
yidhi, "Waxbaad iska cuni kartaa dhammaan maalmaha oodhan laga reebo
khamiista iyo Isniinta".
3.
Waa habka soomista 24 saac. Tusaale ahaan, soomidda quraac ilaa
quraacda maalinta xigta. Ama, 7pm laga bilaabo Maalinta hore ilaa 7pm
maalinka labaad. Habkan soonqaad waa qaabka ugu adag, qofka miisaankiisa
ridayaana uma adkaysan karo dadka qaar adkaysi badan mooye.
4.
Habka la diriridda cuntada, waa qaab soonqaadka fudud ka mid ah. Waa
hab maalinkii qofku isticmaalayo cunto fudud sida kudaar, biyo, shaah
IWM, taas beddelkeedana isticmaalayo cunto xaddigeedu badanyahay
habeenka.
Aan soo qaadanno waxa uu Science-ku u yaqaanno "Intermittent fasting".
Intermittent fasting, guud ahaan, waxaa lagu qeexaa iska daynta cuntooyinka iyo cabbitaanka guud ahaan xilliyo kale duwan. Quruumihii horena soonqaadkan way isticmaali jireen. Ujeedka ugu weynina waxa uu ahaa dan caafimaad oo ku lifaaqan awgeed. Taariikha ummadihii horena waa mid ku suntan dhaqan ahaan, diin ahaan, caqiido ahaan iyo taariikh ahaan ba.
Gris
Gunnars, waxa uu June, 2017, maqaal uu ka qoray soonqaadkan yidhi,
"Sababta soonqaadkan adduunyada casriga ahi u isticmaalaysaa waa saddex
ujeeddo uun: in miisaanka layska ridaayo si macaan looga firxado, in
lagu hagaajinaayo habka falgalka kiimikaad ee jidh oo la hagaajinaayo,
iyo qofka sooma oo raba in cimrigiisu sii dheeraado". Si kastaba ha
ahaatee, sanadihii danbe waxaa sii badanaayey faa'iidada caafimaad ee
soonka. Wixii ka danbeeyey 2010kii, xeeldheerayaasha caafimaadku waxay
bukaanada ku boorriyeen soonqaad xilliyadiisu kale geddisan yihiin.
Ujeedkaas dabadii, in ka badan tobankun boqolkiiba waxaa batay dadka
soomay, tobankii sano ee tegay. Dadkaasna islaaamka meelna kagama
abtirsadaan, caafimaadkooda oo ku xidhan awgeed ayey sidaas u
sameeyeen.
Saynisyahanadu waxay ku doodayaan sababta ay soonkan ugu jideeyeen
bukaanada ama dadka looga shaki qabo xanuuno mustaqbalka ku dhaca.
Xanuunadaasna waxaa laysla qiray in soonkani ka qaybqaato hoos-u-dhaca
miisaanka, ka hortago macaanka nooca labaad, iyo in uu xusuusta kordhiyo
kana hortago illawshiiyaha mustaqbalka noqda asaasaqa.
Saynisyahannadu waxay kale saareen labada kelmadood "Starvation iyo Fasting".
Macaluul(starvation), waa qofka oo waaya cunto jaad kasta oo ay tahay
ba, jidhkiisiina u daciifo nafaqo la'aan, aakhirkana dhimasho timaaddo.
Halka Soonqaad(intermittent fasting) ay tahay qofka oo ula jeeddo
cayiman u daaya cunto cunista, isaga oo haysta mug iyo iskudhis tiro
beela oo cunto ah. Soonkana u doorbiday sababo caafimaad, sababo
diimeed--isaga oo ajar iyo xasanaad ka raadinaaya iyo sababo khuraafaad
awgeed.
Faaiidooyinka intermittent fasting waxaa ka mid ah, miisaan dhac, hoos
udhaca sonkorta jidhka, tamar badan, dheecaanada korriinka oo bata,
heerka dufanka jidhka oo yaraada, heerka qaadista illawshaha oo yaraada,
nolosha oo dheeraata, ka nadiifinta jidhka qashinka kiimikaad, yaraynta
caabuqa jidhka ku qarsoon.
Yaan soomi karin?
1.
Haddii heerka cabbirka celiceliska miisaanka qofk ama "Body Mass Index"
ka yaryahay 18.5, ama ay jirto habka cunna-cunista qofka oo
liidata(anorexia).
2. Gabadha uurka leh.
3. Gabadha naasmuujinta ku jirta.
4. Ilmaha da'diisu ka yartahay 18 jir.
5. Qofka qaba xanuunada aan laga bogsan sida: macaanka, xanuunada wadnaha, beer xanuunka iyo kelya xanuunka.
6. Qofka ay u socdaan daawooyinku sida: qof qaba xanuu ka TB.
7. Iyo qofka qaba xanuu ka gout-ka. Waa xanuun ka dhasha kor-u-kaca heerka uric acid-dha ee dhiiga.
Sadam Osman kaabash
Biomedical Scientist
Hargeisa, Somaliland
Degmada: Maxamed Mooge
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...