Mujaahid Cali Guray Wuu Iska Hadlay Ee Dastuurku Ma Jidaynin In Ruux Han Siyaasadeed Lihii Sugo 15 Sano Inuu U Tartamo Madaxweyne

0
Wednesday December 15, 2021 - 10:26:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1019
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mujaahid Cali Guray Wuu Iska Hadlay Ee Dastuurku Ma Jidaynin In Ruux Han Siyaasadeed Lihii Sugo 15 Sano Inuu U Tartamo Madaxweyne

    W/Q: Eng. Youssuf Ahmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Eng. Youssuf Ahmed

Runtu waxay tahay inaan qofna aqbalaynin in saddex doorasho oo madaxweyne ay xusbiyo gaar ah u xidhnaadaan. Qofka laba jeer ku saaqiday inuu soo baxo oo madaxweyne noqdo, mar kale ha la iigu celiyo, oo dadku ha ii dabranaadaan waa wax afka ka weyn, xaqiiqdana ka fog. 

 

Intii ummaddu karaysay way dul qaadatay, dastuurka lagu meeraysanayaana waa khalad sida loo adeegsanayaa.. doorasho madaxweyne hore ayaynu u aragnay inay mar iyo lab iyo saddexba dib u dhacday… 

 

Maaha wax uguba, aiyaamuhuna way iska dhammaadaan, qofna kuma raago ee wax la saxo ayaa ummadda u cuntamaysa… horeba waxaa doorasho madaxweyne dib loogu dhigi jiray in danta ummadda iyo xuquuqda ay leeyihiin la dar yeelo, ee haddaanay sidaa ahayn waa layska geli lahaa doorasho, oo waxaa la odhan lahaa dib looma dhigi karo. 

 

In muwaadinka xuquuqdiisa dastuurku jideeyay lagu xad gudbaana sharcigu dhigi mayo. Mar walba waxaa madaxweyne la doorto ka mudan in xuquuqda muwaadinka ee dastuuriga ah la daryeelo. 

 

 

Xusbiyada waxay xaq u lahaayeen  in ay kusoo baxaan doorashadii deegaanka, sababtu may ahayn in la dedaafeeyo xaqooda, ee waxay ahayd in si kale xusbiyadu kusoo baxaan… cidina ma diidin. 

Maanta haddii cali guray yidhaa waxay ahayd in markaa ay xusbiyadu furmaan, haddiise ay furmi waayeen oo la kala reebay xaq uma laha in ay maanta furmaan, been ayuu ummadda ku haasaawinayaa. 

Ma jirto ummad 15 sano lagu jideyn karayaa, inay sugaan oo ka gaabsadaan hankooda siyaasadeed. In saddex ruux saddex doorasho madaxweyne isu soo taagaan oo ummaddu daawadayaal ka noqotaa waa ceeb, iyo xaq darro.. cid maanta yeelaysaana ma jirto. 

 

Saddex bilood gudahood ururradu way isku abaabuli karaan, mana jirto wax hor taagan oo aan ahayn, dadka Meesha ku ragaaday sidii qodaxdii geela ay muddo marka laga saari waayo u dhutin jireen… 

 

Qofka ay la qadhaadhay in ururro la furto, miyaanay la qadhaadhayn inaad 15 sano u faadhumaysato inaan fagaaraha siyaasadeed cidi kuugu iman oo aad kelidaa ka soo lignaato sidii geedkii banka goroya cawl ku yaallay… 

Ummadda halaga xishoodo, oo wax walba yaan loola iman… habar fadhida lagdin  wax uga fudud qofka ay la tahay inaan siyaasadda lagula loolami Karin, ee daliishanaya rabitaankiisa, ee aan caqligu hagaynin, xuquuqda dadka kale leeyahayna u muuqan..  waxaan leeyahay waagii ayaa baryay ee hurdada ka toos oo runta ku biyo cab… 

 

Madaxwynuhu ha faro, guddida doorashooyinka inay yagleelaan saaxaddii ururradu u tartami lahaayeen, iyo jidkii ay abaabulka u gali lahaayeen…. 

Baarlamanka uma taallo is waafajinta doorashooyinka iyo muddayntooda iyo ololaha ururradu ku tartamayaan, ee waxaa arrintaa iska leh guddiga doorashooyinka qaranku u igmaday xilliyayntooda,  iyo kala hagidda arrimaha doorashada. 

 

Xusbiyada maanta jiraa liisanka umay qaadan in xuquuqda muwaadinku u dabranaato 15 sano iyaga oo aanu xaqiisa helin. Dastuurku ha sareeyo.. xirsi iyo faysalna taa ha ku biyo cabbaan… 

 

Runi run ayay tagaysaa… 

 

Mahad dhammaanteed Eebbe ayaa iska leh. 

Eng. Youssuf Ahmed 

[email protected] 

London  U. K  


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...