Siyaasi Ibraahim Aadan Aw Qoobey, Gudoomiyihii Hore ee Xisbiga Waddani USA Oo Ka Hadlay Furista Ururada Siyaasada

0
Wednesday December 15, 2021 - 10:20:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Ibraahim Aadan Aw Qoobey, Gudoomiyihii Hore ee Xisbiga Waddani USA Oo Ka Hadlay Furista Ururada Siyaasada

    "Golaha Wakiiladana waxaan u diryaa fariin, saaxiibyaal 82-kiinaasi maaha inaad tihiin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Golaha Wakiiladana waxaan u diryaa fariin, saaxiibyaal 82-kiinaasi maaha inaad tihiin"

Gudoomiyihii hore ee xisbiga Waddani ee Maraykanka, Siyaasi Ibraahim Aadan Aw Qoobey ayaa taageeray furista urursada siyaasada, xisbiyada siyaasadana ku dhaliilay ina aanay hor istaagi karin furista ururada siyaasada, isagoo isla markaasina sharaxay xeerka furista ururada siyaasada iyo siyaabaha lagu furi karo.



Siyaasi Ibraahim Aadan Aw Qoobey oo waraysi uu siiyey Bulsho Tv, kaga waramay arimahan iyo guud ahaan xiisada siyaasadeed ee haatan ka taagan dalka, ayaa ugu horeyn waxa uu yidhi:- "Waxaan doonayaa shacbiga reer Somaliland in aan u baayimo, waxay tahay furista ururada siyaasada ama xeer number 14, meesha uu kayimi iyo dooda xisbiyada ee odhanaysa furista ururada siyaasada doorashada madaxtooyada ayaa kasoo horeysa oo iyadan qodob dastuuri ah baa tilmaamaya, inaan shacbiga Somaliland u kala bayaamiyo, anigoo ka duulaya xeerarka iyo shuruucda dalka.


Siyaasi Ibraahim Aadan Aw Qoobey oo sharaxaadiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi "Horta waa marka koobaade, xeerkan layidhaahdo xeer number 14, waxa uu kayimi Dastuurka JSL, qodobkiisa 9aad oo si-toosa u sheegaaya, nidaamka siyaasadeed ee dalka JSL inuu yahay nidaamka xisbiyada badan, tirade Asxaabtuna in aanay ka badan karin saddex xisbi, isla markaasina siday xisbiyadu ku imanayaana ay tahay si xeer jidaynaayo. Marka labaad, xeer number 14 waxa uu ka yimi qodobka 22aad ee Dastuurka JSL, farqadiisa 1aad iyo 2aad oo tilmaamaaya in muwaadin kasta oo u dhashay JSL, xaq u leeyahay hawlaha siyaasadeed, bulsho, hidde iyo dhaqan iyo wixii la hal-maalaba. Qodobka 23aad ee Dastuurka JSL, oo isaguna firqadiisa 3aad xaq u siiyey inay muwaadiniinta JSL, isku habeeyaan ururso siyaasadeed, cilmiyeed iyo dhaqameed-ba, markaa saddex-daas qodob ee Dastuuriga ah ayuu xeer number 14, ka imanayaa, markaa xeer number 14 waa xeerka loogu talo-galay in xisbiyada lagu maamulo, isla markaasina ay xisbiyadu ku yimaadaan oo lagu soo tartar-siiyo iyaga oo ururo ah, si ay saddex xisbi meeshii u yimaadaan.”


Siyaasi Ibraahim Aadan Aw Qoobey oo sharaxaadii xeerka ururada sii wada, isla markaasina dul-istaagaya ubuc-da saldhiga u ah halkan hadda muranka siyaasiga ah ee baahsani ka jiro ayaa waxa uu yidhi: "Xeerka ayaa waxa uu odhanayaa, marka ay ka hadhsan tahay lix bilood mudada liisanka ee tobanka sano ah ee xisbiyada la-siiyey, waxaa la qabanayaa tartan kale oo ururo ah, tobankii sano-ba mar. Markaa imika markay lix bilood u hadhsan tahay tobankii sano ee lasiiyey, xisbiyadan imika jira, waa xaq, waa waajib, waa xaq ay muwaadiniin reer Somaliland leeyihiin in loo furo oo ay u tartamaan. Doorashada Madaxtooyaduna, qodobka 86aad ee Dastuurka JSL, ayaa si cad u tilmaamaya inay shanti sano-ba mar qabsoonto, Madaxtooyada oo qudhaatana maaha ee gole kasta oo aynu doorano waa in la doorto oo Deegaanka iyo Wakiiladana waa in shanti sanaba mar la doorto, Guurtidana waa in lixdii sano-ba mar la doorto, markaa mudo xileedka golayaasha aynu dooranaynaa, Dastuurka ayey ku qeexan tahay, sidaa aawadeed qiil-maaha, dood maaha iyo wax ay xisbiyada mucaaradka ahi ku difaaci karaan furista ururada siyaasada.”


Siyaasi Ibraahim Aadan Aw Qoobey oo sidoo kale ka hadlaayey, soo celintii Madaxweynaha ee xeerkan ururada, ayaa sidoo kale waxa uu yidhi: "Xeerkan, xeer number 14, Madaxweynuhu markii uu kusoo celiyey golaha wuxuu soo raaciyey soo-jeedin, soo-jeedintaasina waxay ahayd sida shacabka Somaliland la socdeen, Madaxweynuhu wuxuu si masuuliad leh usoo-jeediyey, in goluhu isasoo waafajiyo doorashadii golaha Guurtida iyo furista ururada siyaasada oo isku wakhti ku beegmaya, sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu soo-jeediyey in xeer number 14 lasoo waafajiyo xeerka number 91, xeerka guud ee doorashooyinka iyo diwaangalinta codbixiyayaasha qodobkiisa 80aad oo odhanaaya, ururada waxa lagu soo dooranayaa Golayaal Deegaan, oo maanta waynu dooranay golayaashii deegaanka, markaa ururada waxa la rabaa in si-toosa loo doorto oo sidii Madaxweynaha loo dooran jiray ah lagu doortaa oo la tartamaa oo codka wadarta guud ururkastaa wuxuu ka helay la isku geeyo wuxuu ka helay wadanka, dabadeeto sadexda urur ee ugu cod-baa ay noqdaan sadexda xisbi ee waddanka, ujeedka Madaxweynuhuna waa noocaas.”


Siyaasi Ibraahim Aadan Aw Qoobey oo ka hadlaayey aragtidiisa ku aadan, nidaamkan cusub ee hada la rabo in loo doorto ama loo maro furista ururada siyaasada ayaa waxa uu yidhi: "Sidaa aawadeed anigu ma arko sabab sas keenaysa ama qas iyo qalalaase keenaysa ama xildhibaanka la doortay ee golaha wakiilada jooga tusinaysa dan xisbi leeyahay iyo dan xukuumadi leedahay ee meeshan waxa taalaa waxa weeye, dantii muwaadinka, anigu aragtidaydana waxaan qabaa sidan maanta la doonayo in ururada siyaasada lagu doorto, inay ku jirto mustaqbal weyn oo waddankan ah, waayo? Ururadii hore ee aynu soo dooranay ee maanta xisbiyada ah ee saaxada ku jiraa waxay ahaayeen xisbiyo ku yimi Golayaal Deegaan, Qabaa’il, Odayaa iyo dad ay uruuriyeen, balse kan maanta waxa la rabaa, xisbiga siyaasada leh, ee aragtida leh, ee kartida leh, ee qorshayaasha leh eewaddanka iyo dadkaba ee ka iibin karaya dhalinyarada reer Somaliland ee 30 jirka 20 jirka iyo ummadda u oomanayd 134 sanadood dawladnimada, ilaa maalintuu gumaysigu ina qabsaday ilaa maanta dadkeenu waxa ay raadinayaan dawladnimada iyo aqoonsi iyo madax-banaani oo taariikhda dunida waxa inoogu jirta in ayny 26 June ilaa 01 Jully 1960 oo qudha aynu ahayn dal madaxbanaan, intii ka danbaysayna halgan uun baynu ku jirnaa. Sidaa aawadeed anigu waxaan soo dhawaynayaa siyaasadaa ah in ururada la furo, isla markaana shacbiga JSL ay kala doortaan cidii hogaamin lahayd iyo xisbiyadii hogaamin lahaa iyo xisbiyo afkaar ku dhisan, markaa maanta bulshadeenu waxay taagan tahay gabaygii Gaariye ee ahaa, midho daray hadaan barri, duuduub ku liqi jiray, doorkan waxaan hubsanayaa, dirxi inuu ku hoos jiro, waana rabitaan bulsho oo qof hor-istaagi karaa ma jiro, Baarlamaan hor-istaagi karaa ma jiro, mucaarad hor-istaagi karaa ma jiro, oo Madaxweynaha laftiisu ma hor-istaagi karo”


Siyaasi Ibraahim Aaadan Aw Qoobey oo sidoo kale ka hadlaayey saska iyo qaylada ay ka muujiyeen xisbiyada mucaaradku furista ururada siyaasada ayaa waxa uu yidhi: "Tartanka ururada ee la qabanaayo waxaan arkayaa inay sas weyn ka muujiyeen xisbiyada mucaaradku, Asxaabtani 10 sanadood ayey waddanka joogtay, oo ay talada haysay oo ay maamulaysay oo tusaale ahaan doorashadii imika u danbaysay ee deeganka iyo wakiilada, xisbiyadani waxay in badan oo muwaadininta JSL, ah ka duudsiyeen inay helaan xuquuqdooda doorasho ee ah in la doorto iyo inay wax doortaanba, oo rag badan oo golayaashaas inay yimaadaan mudnaa ayey hor joogsadeen, oo waxay ahaayeen saddex xisbi oo kooto u xidhaaya siyaasada hadba sida ay doonaan. Sidaasi aawadeed anigu marka aan waddanka JSL, mustaqbalkiisa ka talinaayo, ee aan mustaqbalka walaalahay ka talinaayo ee aan kayga ka talinaayo ee aan waddankaan rabay ee inta badani usoo dhimatay helo, waxaan rabaa inuu waddan siyaasadiisa iyo hogaamiye-yaashiisu ay dadkiisa ka iibinayaan wax cad iyo siyaasad cad, oo aanay noqonaynin marka Madax-weyne meesha fadhiisto in baryo lagaga dejiyo meesha, oo ka kale ee soo socdaana inuu kusoo fuulo indho la’aan iyo inuu sharciga si qaldan ugu sheego ummadda”


Siyaasi Ibraahim Aadan Aw Qoobey oo xisbiyada mucaaradka ah ku eedeeyey inay bulshada marin habaabinayaan, ayaa waxa uu yidhi: ”Waxaan xisbiyada mucaaridka ah u sheegayaa, haday arintani ku tahay culays, waa qalad siyaasiya oo ay igu sameeyeen, waayo maalintii ay Madaxweynaha kala heshiiyeen iyo doorashada Wakiilada iyo Deegaanka mar la-wada qabto ayey ahayd inay kala heshiiyaan arintan xeer numer 14, oo maalintaas shacabku war kamuu haynin oo way khiyaamayn kari lahaayeen, maalintaasi anigu xisbiga Waddani ayaan kamid ahaa oo waan waydiiyey xisbiga madaxdiisa iyo hogaankiisaba xeer number 14 maxaynu ka yeelaynaa hadii doorashada deegaanka iyo wakiiladaba mar lawada qabto, waxaanay igu yidhaahdeen doorashada madaxweynaha ayaa kasoo horaynaysa. Sidaa aawadeed sir maqabe ilaahay-baa u sahan ah oo ummaddan Somaliland ilaahay-baa ka indha saabay in loo heshiiyo oo xuquuqdeedii dastuuriga ahayd laga hor-joogsado, maantana wakhtigeediibaa yimi, kii soo baxaaya waxaan leeyahay toban sanadood ayaad waddanka joogtee soo bax, laakiin cabsida joojiya oo ummadda xaquuqdeeda haka duudsiyina, tafsiirka qaldana ka joojiya.”


Siyaasi Ibraahim Aadan Aw Qoobey oo ugu danbayntii fariin culus oo dardaaran ah u diray mudanayaasha golaha wakiilada JSL, ayaa waxa uu yidhi: "Golaha Wakiiladana waxaan u diryaa fariin, saaxiibyaal 82-kiinaasi maaha inaad tihiin, 82-kii ummadda ugu aqoonta badnaa, waxaad ku timaadeen nasiib iyo qadar ilaahay iyo ummaddii idiinsoo dadaashay, ee waxaad raacdaan wixii ummadda iyo dalka u dan ah, oo ha u danaynina xisbiyo, mucaarad, muxaafad iyo madaxweyne iyo qabiil midna ee waxaad u danaysaan maxaa ummadda u dan ah, oo furista ururada siyaasada ayaa u dan ah maantee taageera, oo mooshinka aad wadaan iyo kala qaybsanaantiina joojiya, xeerka hadaad fahmi-waydaan ama culays la idinku saarana waddanku wuxuu leeyahay Maxkamad Sarre ee iyada u dira oo tafsiirka ay kasoo bixiso raaca”

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...