Wasiirka Gaadiidka Oo Awood Kula Wareegay Shaqadii Hay'adda Wadooyinka Iyo Magacyada Shirkado Uu Siiyey Dhismaha Mashruuca Berbera Corridor,
Hargeysa(HWN):-Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa awood sharciga ka baxsan kula wareegay shaqadii ay qaranka u haysay hay’adda horumarinta wadooyinku.
Wasiir Cabdilaahi Abokor oo awoodo dheeraad ah isticmaalaya ayaa hay’adda wadooyinka kala wareegay guud ahaanba maamulida mashruuca lagu dhisayo waddada Berbera Corridor.
Wasiir Cabdilaahi Abokor oo marar door ah ay soo baxday fara gelin uu ku hayo hay’adda horumarinta wadooyinka oo uu masuulka ugu sareeyana ugu hanjabay shaqo joojin ayaa haatan u muuqda inuu ka talaabsanayo sharcigii hay’addaasi lagu aas aasay.
Jidka Berbera Corridor oo ah kan ugu muhiimsan ee haatan dhismihiisu ka socdo somaliland ayey ka hawl galayaan shaqaale iyo gaadiid tiro badan oo aanay waxba ka ogayn hay’adda wadooyinku isla markaana uu si madax banaan u maamushay wasiirka gaadiidku.
Wasiirka gaadiidka ayaa iska indha tiray shaqaalaha ka hawl gala hay’adda horumarinta wadooyinka, waxaanay warar xogogaal ah oo Hadhwanaagnews heshay ay sheegayaan inuu ka hawl galiyey dhismaha jidka Berbera Corridor shaqaale uu si gaar ah u qortay isla markaana ka madax banaan hay’adda wadooyinka, Waxaana jira dareen taban oo ay shaqaalaha hay’adda wadooyinku ka qabaan habka uu wax u wado wasiir Cabdilaahi Abokor.
Sidoo kale xogaha laga helayo dhismaha Jidka Berbera Corridor ayaa sheegaya in wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadku uu qandaraaska dhismaha waddada Berbera Corridor uu siiyey dad ay isku deegaan yihiin oo aan markii hore lahayn shirkado qaabilsan dhismaha kuwaas oo uu ugu tala galay inay ka faa,iidaystaan isla markaana dhaqaale buuran ka helaan mudada uu socda jidkaasi.
Warar ay heshay Hadhwanaagnews ayaa xaqiijiyey in wasiir Cabdilaahi Abokor uu qandaraaska dhismaha jidka Berbera Corridor siiyey shan shirkadood oo deegaan kaliya ka soo wada jeeda isla markaana aan ahayn qaar hore u jiray iyada oo aanay jirin wax tartan ah oo lala galay.
Shanta shirkadood ee qaatay dhismaha jidka Berbera Corridor ayaa sadex ka mid ah la siiyey muwaadiniin ay isku deegaan ka soo jeedaan madaxweynaha,shirkadahaas oo kala ah Guuleed Engineering, Al-Khadar Construction Iyo Guribarwaaqo Construction, halka labada kalana ay leeyihiin muwaadiniin ay isku deegaan yihiin wasiir Cabdilaahi Abokorkuwaas oo kala ah Jufo Nuur Iyo Ali Warsame Construction.
Dhinaca kale qandaraasyada ay qaateen shirkadaha dhisaya jidka Berbera Corridor ayaan ahayn mid soo maray guddida qandaraasyada isla markaana la baahiyey, iyada oo aanay dawladu soo bandhigin.
Sidoo kale waxa jira khilaaf huursan oo u dhaxeeya wasiirka gaadiidka iyo maareeyaha hay’adda wadooyinka kaas oo soo jiitamayey mudadii uu xilka hayey madaxweyne Muuse Biixi, waxaana muuqata inaanay jirin wax talaabo ah oo uu ilaa hada ku xaliyey madaxweynuhu.
Si kastaba ha ahaatee waxa la dhawrayaa halka ay ku dambeyn doonto awood sheegashada wasiir Cabdilaahi Abokor, dooda Maareeyaha hay’adda wadooyinka, shaqaalaha hay’addaasi iyo mustaqbalka hay’adda qaabilsan dhismaha wadooyinka ee somaliland.
Cabdirisaaq Good Nuur
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email:-[email protected]