Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Oo Digniin Udiray Xukuumada

0
Tuesday December 14, 2021 - 08:55:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3083
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Oo Digniin Udiray Xukuumada

    "waxaanu leenahay karis xun iyaduna wax ku la"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaanu leenahay karis xun iyaduna wax ku la"

Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif ayaa hada digniin umuuqda ujeediyay Xukumadda xukuumada Muuse Biixi oo uu ku eedeeyay inay faragelin ku hayso Golaha Wakiilada.



"Sharci maaha in xildhibaanno shir jaraa’id qabtaan ee waxaa saamayn sharci yeelanaysa wixii Goluhu isku raaco ama isku diido, xildhibaannada jooga waan u mahadnaqaya, waxaan Mudaneyaasha maqan ku boorrinaya in ay sharciga u soo noqdaan cid kasta oo dabada ka riixaysana aanay golaha ku waxyeelayn Sabtida waxa la sugaya Miisaaniyaddii haddii Golaha loo qaabeeyo in maanta qolo ka baxdo berrina qolo ka baxdo oo aanu Goluhu wada shaqayn waxay noqonaysa duullaan lagu soo qaaday hay’addihii Qaranka, ciddii ka dambeysana waxaanu leenahay karis xun iyaduna wax ku la arrintaasina cid gaar ah saamayn mayso wixii Golaha dhexdiisa ka jirana Golaha ayaa ka wada hadlaya,” Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif

Loading...
Loading...