Xoghayaha Guud Ee Qaramaday Oo Golaha Amaanka U Gudbiyey Warbixinta Soomaaliya Iyo Qodobada Uu Kaga Hadlay
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa warbixin uu saaray kaga hadlay horu marka ay soomaaliya samaynayso iyo caqabadaha hortaagan.
sida ay baahisay VOA,Xoghaye António Guterres ayaa warbixintiisa ku sheegay inay muhiim tahay in soomaaliya ay ka hortagto qalalaasaha kooxaha xagjirka ah, argagixisada, isku dhacyada hubaysan, deganaansho la,aanta siyaasada iyo musuq maasuqa.
Sidoo kale António Guterres oo warbixintiisa u gudbiyey golaha amaanka ee qaramada midoobay, waxaanu tilmaamay in warbixintu ay muujinayso jilicsanaanta guulaha la gaadhay iyo caqabadaha hortaagan horumarka.
Soomaaliya ayaa dhistay dawlad shaqaynaysa sanadkii 2012 iyada oo wixii wakhtigaas ka dambeeyeyna waxay dhisaysay xasiloonida balse António Guterres ayaa sheegay in xaalada amni ee soomaaliya aanay ahayn mid fadhida tan iyo horaantii bishii December iyo horaantii bishan May, isaga oo xusay in kooxaha nabada ka soo horjeeda ay gaysteen weeraro ay ku bartilmaameedsadeen xarumaha dawlada, saraakiil ciidan, masuuliyiin dawlada u shaqeeya, Hotelo iyo makhaayado caan ah, isaga oo xusay bilihii March iyo April ay kordheen weerarada ka dhacaya magaalada Muqdisho iyada oo ay maalin kasta weeraro dhacayeen.
Xoghaye António Guterres ayaa sidoo kale warbixintiisa ku sheegay in bishii March weerarada dhacay ay gaadhayeen 77 weerar oo guud ahaan dalka soomaaliya ka dhacay, taas oo ka dhigaysa bishii ugu weerarada badnayd tan iyo sanadkii 2016.
António Guterres ayaa sidoo kale sheegay in weerarada madaafiicdu ay kordheen taas oo muujinaysa awooda kooxaha ka soo horjeeda nabada iyada oo qaar ka mid ah meelihii lagu bartilmaameedsaday ay sax noqdeen, waxaanu warbixintiisa ku cadeeyey in la kordhiyey hawl galada lagu sugayo amniga.
Sidoo kale xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa ka hadlay heerka fakhrinimo ee dalka soomaaliya isaga oo xusay in 77% bulshada soomaaliya ka mid ahi ay ku nool yihiin fakhrinimo aad u hoosaysa iyaga oo quuta 1.90% taas oo ku badan dhulka miyiga ah iyo goobaha ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ah.
Sidoo kale xoghaye António Guterres ayaa sheegay in soomaaliya 90% aanay dadku helin adeegyada aas aasiga ah sida waxbarashada, biyaha iyo nadaafada, iyada oo qaramada midoobay ku baaqday in la helo lacag gaadhaysa todoba boqol iyo toban milyan oo lagu caawiyo dad gaadhay shan milyan oo ka mid ah dadka ay abaartu ku dhufatay ee ku nool gudaha dalka Soomaaliya.