Khilaaf Cakiran Oo Ka Taagan Doorashooyinka Soomaaliya

0
Tuesday December 14, 2021 - 08:49:42 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Cakiran Oo Ka Taagan Doorashooyinka Soomaaliya

    "In guddiyadeennu wixii ay qaldamay ay saxaan waa waajib lagu leeyahay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"In guddiyadeennu wixii ay qaldamay ay saxaan waa waajib lagu leeyahay"

Muqdisho,-(HWN) - Guddomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay inay doorashadu soconayso oo aan loo joojinayn baaqa kasoo yeeray midowga musharraxiinta Soomaaliya.

 

Guddoomiye Cirro  ayaa sheegay in aanay marnaba xalka ku jirin in doorashada la hakiyo, isagoo sheegay intaas bedelkeed la xallin karo wixii tabasho oo doorashada ka dhashay. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inuu soo dhoweynayo in la isku yimaado oo laga tashado sidii horey loogu socon lahaa, si meesha looga saaro taag taaga doorashadana ugu qabsoomto waqtigeeda.

 

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu in ay guddigoodu ku shaqeynayaan heshiis siyaasadeed oo aanay dhinacna uga beeri karin, wuxuuna ugu baaqay midowga musharraxiinta in ay ku kalsoonaadaan dadaalka guddiyadu doorashu wadaan. "In guddiyadeennu wixii ay qaldamay ay saxaan waa waajib lagu leeyahay. Laakiin waxay u baahan tahay dhinacyo badan oo iskaashi leh," ayuu yiri Cirro.

 

 Dhowaan ayay ahayd markii golaha midowga musharraxiintu ay dalbadeen in dib loo dhigo doorashada, lagana wada hadlo sidii loo sixi lahaa waxa qaldamay. Dhinaca kale mucaaridka dalkaasi ayaa ku baaqay in la joojiyo doorashada iyaga oo cabasho ka qaba.


Loading...
Loading...