Cirro Oo Safar Taageero Raadis Ah Ku Maraya qaaradda Yurub Iyo Dabaysha Dib U Dhigista Doorashada

0
Tuesday December 14, 2021 - 08:45:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cirro Oo Safar Taageero Raadis Ah Ku Maraya qaaradda Yurub Iyo Dabaysha Dib U Dhigista Doorashada

    "Waana xaalad siyaasadeed oo gabi ahaanba ka duwan filashada Musharrax Cirro"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waana xaalad siyaasadeed oo gabi ahaanba ka duwan filashada Musharrax Cirro"

Stockholm,- (HWN)- Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Ambassador Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar siyaasadeed ku gaalaa bixinayay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub ayaa ku nuuxnuuxsaday in la gaadhay wakhtigii Xisbiyada qaranka, xukuumadda iyo shacabka Somaliland dhammaanba u hadhuub qaadan lahaayeen qabsoomidda doorashada Madaxtooyada oo wakhtigeeda ku dhacda hadalkaasi oo ku soo beegmaya wakhti dabaylo taasi ka duwani ka dhabanayaan dalka kadib markii mar kali ah shalay laga war helay qorshe uu soo maleegay xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE oo ku saabsan dhaqan galinta Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2021 oo haddii dooddiisu bilaabanto la saadaalinayo in uu dib u ridi karo qabsoomidda doorashada madaxtootada oo wakhtigeeda ku qabsoonta.



Musharrax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi "Cirro” oo khudbad dalka Sweden ugu jeedinayay qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga WADDANI ayaa waxa uu yidhi: "Waxa hadda loo hadhuub qaadanaya doorashada Madaxtooyada oo xilligeedii ku dhacaysa Insha Allah. Intii aanan soo bixin Saddexda Xisbi Qaran si wada jir ah ayay ula kulmeen Komishanka Doorashooyinka 18-kii Bishii November ee aan soo dhaafnay, Komishanku waxay noo sheegeen in ay Madaxweynaha u gudbiyeen miisaaniyaddii iyo jadwalkii doorashadu ku qabsoomaysay Madaxweynahana ay la ballansan yihiin, intaa dalka waan ka soo maqna ee waxaan filaya in arrintaasi dhammaatay. Doorashadii hore ee Wakiillada iyo deegaannada magac wanaagsan baynu ka helnay haddii aynu Somaliland nahay oo waxaa joogay masuuliyiin badan oo safiirro u badan, waxay noqotay in lagu tilmaamo doorashadii ugu fiicnayd Geeska Afrika haddiiba aanay noqon Afrika oo dhan, magacii ugu weynaana kolba ninka madaxda ah baa qaata oo Muuse Biixi baa qaatay magacii ugu weyna waxaanan filaya in uu tanna (Doorashada Madaxtooyada) magaceeda qaadan doono xilligeediina ku qaban doono Insha Allah” ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo khudbad u jeedinayay taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee dalka Sweden.


Hadalkan haddaba ka soo yeedhay Musharraxa Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku soo beegmaya wakhti ay dalka shalay ka qaraxday bamboo cusub oo siyaasadeed oo la xidhiidha dalabkii xildhibaannada xisbiga KULMIYE ee muxaafidka ahi ku dalbadeen mooshinkana ku keeneen dhaqan galka Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2021 oo macnaheedu yahay in ururrada siyaasadda la furo sidaana doorashadu meesha kaga baxo iyada oo arrintaa loo aanaynayo in Madaxweyne Muuse Biixi raalli ka yahay. Waana xaalad siyaasadeed oo gabi ahaanba ka duwan filashada Musharrax Cirro ee ku aaddan doorashada oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Loading...
Loading...