Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Covid-19 u jiifa

0
Tuesday December 14, 2021 - 08:01:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 549
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Covid-19 u jiifa

    "Bayaanku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan fayraska"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Bayaanku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan fayraska"
Xafiiska madaxweynaha Koonfur Afrika, ayaa sheegay in Madaxweyne Cyril Ramaphosa, laga daweynayo cudurka Covid-19 oo ku dhacay.


War bixin xafiiskiisu soo saaray ayaa lagu sheegay in astaamaha cudurka ee ka muuqda madaxweynaha oo haatan 69 jir ahi ay yihiin kuwo khafiif ah oo uu haatan keligii meel u gaar ah ku sugan yahay magaalada Cape Town.



Koonfur Afrika waxa haatan ku sii kordhayey tirada dadka uu cudurku ku dhacayo tan iyo intii dalkaas laga helay firka cusub ee fayraksa korona ee Omicorn la yidhaa bishii Noofember.



In kasta oo Omicron sida loo kala qaadaa ka badan tahay noocyadii ka horeyey sida Delta, hadana suurto galnimada qofku ugu dhiman karo noocan cusubi way yar tahay, sida lagu ogaaday daraasad la sameeyey.


Wuxuu noqonayaa madaxweynihii u dambeeyey ee dhawr hogaamiye oo ka mid ah kuwa dunida ee uu ku dhaco Covid-19, waxaana ka mid ah hogaamiyeyaashaas uu ku dhacay cudurku ra'isal wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson, Donald Trump oo uu ku dhacay markii uu madaxweynaha ahaa, madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro, Emmanuel Macron-ka Faransiiska, madaxweynaha Czech Miloš Zeman iyo madaxweynihii hore ee Bolivia Jeannine Añez.



Madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa sheegtay in Ramaphosa laga helay maalintii Axadda, wuxuuna horey ugu wakiishay dhammaan mas'uuliyadihiisii madaxweyne ku xigeenka David Mabuza inuu sii hayo "todobaadka soo socda oo dhan".


Maxaa ka jira in moos cudur wata oo Soomaaliya laga qaaday la geeyay Koonfur Afrika?

Warka ka soo baxay madaxtooyada ayaa sheegay in madaxweynuhu xanuunka dareemay ka dib markii uu ka qayb galay aaskii madaxweynihii hore FW de Klerk subaxnimadii hore ee Axaddii.


Waxaanu intaas ku daray in Ramaphosa uu "niyad wanaagsan yahay" laakiin ay dhakhaatiirtu xaaladiisa la socdaan.


Bayaanku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan fayraska laga helay Ramaphosa. Dadka aadka ula kulmayna waxa lagu wargeliyey in ay is baadhaan hadii ay isku arkaan astaamaha cudurka.


Madaxweynuhu wuxu dhawaan socdaal todoba maalmood ah ku tagay wadamada Nigeria, Ivory Coast, Ghana iyo Senegal.


Xubno ka tirsan wafdigiisii ayaa cudurku markii ay Nigeria joogeen uu ku dhacay waxayna isla markiiba toos ugu noqdeen Koonfur Afrika.


Madaxtooyadu waxay sheegtay in Ramaphosa oo la tallaalay bishii Feeberweri iyo xubnaha weftigiisaba dalalkii ay tageen oo dhan lagaga baadhay Covid-19.


Madaxweynaha ayaa sheegay in ay tahay in cudurkaa ku dhacay uu digniin u noqdo dadka oo ay qaataan talooyinka caafimaadka sidoo kalena ay is talaalaan.


BBC
Loading...
Loading...