Marmar-Siiyaa Muska Ii Galay ( Abdi-Shotaly)

0
Monday December 13, 2021 - 21:04:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 844
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Marmar-Siiyaa Muska Ii Galay ( Abdi-Shotaly)

    * N.B Naf go'day iyoi roob galbeed, mid-koodna haduu galbado, gadaal uma soo nooqdo!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Naf go'day iyoi roob galbeed, mid-koodna haduu galbado, gadaal uma soo nooqdo!

Xikmad Carbeed baa waxay tidhaahaa " Maxamed Cali Maa Yakhali Mehertahu" Oo micna-heedu yahay, qof-na kama tago caadadiisa ama wixiisii xumaa, Waa sidaase haduu askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" la yimi shaqadiisii ahayd "Ila-meerayso" Wadaadkii ina Cabdille xasan baa waxa ku jirey gabaya-diisii mid-ka-mid ah " Dhaaxaan jalaadaye dheg baan jalaq la ii siine" Wax badan baan idin lahaa askariga ku jira " Xaafad-Tooyadda" mid wax ka go'aan maaha, oo maska-diisu caadi maaha, wuxu yahay kuwii uu Illaahay ku sheegay " Qu'raanka Kariimka ah" ee uu yidhi " Sumun, cumun, bukmun, fahum laa yacquluun" Oo fasilaa-deedu tahay waxa jira qaar " Indho la', dhego la', qalbi la' oo aan caqli lahayn, hadaba akhristaw,  adoon meel kale ka doon-doonin, qofka sifahaas lihi oon biyo is marin, weligiina aan daahirini, waa ninka sare ku yaal, ee sheegtay in uu yahay "Caqilka" Ee ku jira guriggii Moorgan. maalin-ba ta uu keenaa tii hore ka daran, oo waa ka dar oo dibi dhal iyo wax ka sii xune, saaka bay ugu daran tahay, oo uu kolba derbi isku qaadayaa, markuu meel uu qabsado waayey, ee uu albaab kastaa ka soo xidhmay, saw maaha mar-kaas " Habar dhali waeyday, Alleelo ku waalatay" ma jiro hadeer dariq u faran oo uu ku sii war-wareegi karaa, iilka xabaasha buu ku jiraa, kaas oo aqoon xumaan-tiisa uu is leeyahay ifka baad dib ugu soo noqon doontaa, waase wax aan dhici karin. Murti baa waxay ahayd " Naf go'day iyo roob galbeed, mid-koodna haduu galbado, gadaal uma soo noqdo" askari-ganina waa sidda ay ay sheegayso murti-daasi ( Aladdii raax-raax) dib u soo noqon mayao, wax uga hir-gelaaya mudo korodh-sina haba-sheegin.

 

Odhaah baa iyana ahayd " Nin amabaday halkuu maray way ula ekoonayde, isagoo arkaayuu, wadadda eeri-go'an maraye" lnkastoo aanu weligiiba kob cagaar leh ka soo durdurin, oo uu ahaa goob xun yuurur aan tallo la weydiin, maantana wixiisii xilka lahaa buu is leeyahay waad ku sii wakhti dheraysan. Muwaadin, waad la socotaa waxa ilaa shalay ka socdda ama laga soo malma-luuqaayo "Xaafad-Tooyadda" ee ku saabsan waxa uu ku magacaabay " Ururo Furista" Bal in aan lagu soo dhawaan, oo waali lagu sheegi karin laakiin ay tahay in uu qabo xanuunka la yidhaaho " Maskax Fered" kaas oo ah qofka aan wax allaale iyo wax u kala soocani aanay jirin, ee uu xaal-kiisu yahay " Waxaad qasto uun mooyaane yaanay jirin wax aad hagaajisaa" Akhristaw bal in ay xaajadu tahay yaabka-yaabkii, haduu doonaayo in uu furo ururadda, waa tii Wakiiladdii uu dhaameelka u tuuri jirey iyo guurti-duba ay u ansixi-yeene, muxuu u saxeexi waayey? Ee uu ugu soo celiyey "Golaha Wakiiladda Cusub" saw xaald abuur maaha, hadana uu sidan ugu kacayaa? Adba is weydiiyoo sidaas ma ku yahay qof caadi ah? Imika buu hoosta ka soo rib-dhayaa Kuwa uu ku shaqaysto ee ah " Xildhibaanadda Qudhmiye", Kuwaas oo saaka foodad iyo rebshedo ka abuuray " Golaha wakiiladda oo yidhi geli mayno, bal yaa uga " futo xun"  haday geli waayaan? Xildhi-baanadda is-bahysiga oo tiradoodu tahay 52 ahna Majoorati " The Majority" Ama inta ugu badan saw ma diidi karaan, ma cid baa ka hor joogta? Saw siday doonaan kama yeeli karaan? Muxuu samayn karaa Askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Ama uu ka qaban karaa haduu xataa xaar is mariyo, ciyaaro gebley-shimbir iyo walasaqo. Miyir baa khasab loogu samayn, maanta maaha markii uu xukunka boobaye.

 

 Aan kuu soo kooba ujeedadda uu ka leeyahay askariga caaqilka ahiye, waxay siisay masakx-diisa xumi, in marmar-siio aan u soconayn, uu maalmo kale ku sii war-wareego, iyo isaga oo is leh wax baad khiyaamayn kartaa ama aad ka hoos bixi kartaa, taas oo ah, bal ku day in aad ku heshid mudo korodhsi, oo aad tidhaahid, doorashooyin baa isku beegan, ee ta madax-weynaha dib ha loo dhigo. waxa kale oo ay siisay masakaxdda askarigu, haddii aad dalka khal-khal geliso oo dagaal sokeeyo ka rido, waxad odhan kartaa distoorka ayaa qoraya, maadaama ay jirto dhibato ah abaaro, dagaal, cudur iyo wax la sii mid ahi, taasina mid suuro gal ah maaha, ee wax kale ma hayaa waxan waalani? Ummad yahay kani ma qabo cidi usgageed oo lagu guuro ee waa finish, sababta oo ah, xeerka hor yaala " Golaha Wakiiladda" Ee uu isaga laf-tiisu ku soo celiyey, buu sugu kari la'ytahay, waayo wuxu arkayaa in aanu haysan tiro ku filan oo u qumusa sidda uu rabo, sidaas awgeed buu u rabaa in uu dalka khal-khal geliyo, lakiinse qoolkii uu isku bakhtiin lahaa buu la galay madaxa,kna soo kici maayo, in mayd-kiisa laga soo jiido mooyaane, waana ay u dhamaatay, mana jirto mudo kordhin loo samaynayaa, xataa haduu indhaha dhiig ka keenaayo iyo haddii ay naftu ka baxayso-ba, haduu galgasho iyo haduu cirka u baxaayo-ba, kani waa idin daayey, Dalka iyo dadka isku walaaq oo yaanu kaa danbayn buu ku tashaday, oo ay siisay masakx-diisa qudhunka ahiye, ha ka soo maalo. Xataa haddii ay u suuro gasho in uu dalka dagaal geliyo, ka ay fadhiisan doontaa, ee ku khasaari doonaa waa isaga iyo inta hoos orodda ee " Xaafad-tooyadda" kula talisa, rebshed abuur si aan wakhtidda u sii dheeraysano. isma oga oo waa maan la' yahaye, mana garanaayo waxa uu wadaa waxa ay yihiin, waa ay u dhamaatay. golaha Wakiila-duna in ay wakhti kale ugu sii seeto dheeraayaan waa habeenkii xalay tegay.

 

* N.B  Naf go'day iyoi roob galbeed, mid-koodna haduu galbado, gadaal uma soo nooqdo!

Qore:- Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...