Taxanaha xikmadda Q:19aad

0
Monday December 13, 2021 - 15:00:57 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taxanaha xikmadda Q:19aad

    Maadaama oo ay naxariistu ay tahay daacadnimo, qalbi walba lagama helo."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maadaama oo ay naxariistu ay tahay daacadnimo, qalbi walba lagama helo."



Xikmadihii Iyo Odhaahihii Ibnu Khalduun

(Aqoonyahan, faylasuuf, taariikhyahan iyo garyaqaan)

______________________________________________

1: "In uu qofku dareemo aqoonyaraantiisa, waa waax ka mid ah aqoonta."



2: "Haddii aad doonayso in aad ogaato shakhsiyadda qofka, eeg cidda uu la saaxiibka yahay, dabciyadu way is xadaane."


3: "Maadaama oo ay naxariistu ay tahay daacadnimo, qalbi walba lagama helo."


4: "Dulmigu wax kasta oo dhisan isaga ayaa dumiya, deegaanka aad ku aragtona waxaaga ka ururso."


5: Astaamaha lagu garto dhicitaanka dowladuhu, waa madaxda oo ka shaqaysata ganacsiga iyo iibka, kuna mashquula xoolo-urursi."


6: "Aadamuhu ma jiri karo iskaashi la'aan."


7: "Taariikhdu marka dusha laga eegayo waa war uun, balse waxa ku hoos qarsoon xaqiiqooyin iyo cibro qaadasho."


8: "Ummaddaha la maquuniyo, akhlaaqdooda ayaa lunta."


9: "Marka ay ummad dawladoodu dunto, aqoonyahanada iyo afmiishaaradu way bataan; indheergaradnimada iyo fikir qummanaantuna way dumaan."


10: "Tagtada iyo timaadadu waa sida ay isku yihiin biyihii hore iyo biyaha hadda."


11: "Waa hubaal qofka falsafadda in yar ka akhriyaa, in uu u cararayo dhanka ilxaadka; qofka in badan ka akhriyaana dhanka iimaanka."


12: "Akhlaaqda heerkeeda ugu sarreysaa waa in aad dhagaysato, qof kuu sharraxaya wax aad si fiican u garanayso, balse iaagu mooggan yahay."


13: "Ka laga adkaadaa, waligiiba waxa uu jeclaystaa habdhaqanka ka adkaaday."


14: "xamaasaddu waa abuur ku beernayd aadamaha jiritaankoodba."


15: "Raacidda indhaha la’ ee la raaco caadooyinkii hore, kama dhigna in dadkii hore dhintay ay soo noolaadeen, ee waxa ay ka dhigan tahay in kuwa nooli dhinteen."


Xikmaddee adiga gaar kuu soo jiidatay?


By: Hubaal

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...