Jawaab: Guushii Kulmiye 2017: Maxamed Baashe Maxaa Heego geeyey?

0
Wednesday May 22, 2019 - 13:58:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawaab: Guushii Kulmiye 2017: Maxamed Baashe Maxaa Heego geeyey?

    Saaxiibkay Axmed Cabdi Ciise oo aannu marna UCID wada ahayn,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saaxiibkay Axmed Cabdi Ciise oo aannu marna UCID wada ahayn,

markii dambena aannu Kulmiye wada ahayn ayaa maqaal ladhkaas sare leh faafiyey.



Axmed waxa uu ahaa qofkii iga qaaday qaadhaankii ugu horreeyey ee UCID 2003, aniga oo meherad London ku haysta. Waxa uu ahaa xisbiyahay aqoon leh oo dedaal badan, markii dembe ee uu Kulmiye ku biiray na waxa uu sii ambaqaaday dedaalkaas uun.


Waa dadka leh awoodda lagu abuuro hawl biyo fadhiya lagu dhaqaajin karo. Inaguma badna dadka sifadaas lihi. Samaan ama xumaan waxa ay farta u qaadaan kama hadhaan ilaa ay ka sal-gaadhaan.


Marka aan qoraalkiisa u soo noqdo waxba ka odhan maayo faallada dheer ee ku saabsan qiimaynta Axmed ku sameeyey qofnimada Maxamed Baashe ee tognaantu carradaas ka badan tahay.


Intaas wada togan ee sitimuldhuxda ah gunaanadkeedu waxa uu noqday oo Axmed yidhi, "Waxase ayaan daro ah in aqoonyahan, Maxamed Baashe maanta uu jaahilintii iyo ciyaalo Farmaajo halku-dhagyadooda ay social media ku isticmaalan ee HEEGO ay iyagu macalinka ugu yihiin isaguna si baahsan u isticmaalo (pervasive use). Suuasha ayaa ah miyaanay ayaan daro ahayn marka aqoon daraddii ay aqoontii hogaanka u qabto? saw ma aha tii la yidhi – Waa "Duni Akhiro Samaan”.


Tan ayaa ku hakasho u baahan. Heegada Muuse oo laga soo dheegtay Heegadii Ina Iley oo hab-dhaqan iyo muunad ba ay wadaagaan waxa aan ka mid ahay dadka magacaas hirgeliyey ee shaanshaan ka tuurtay, bixintiisana waxa leh kasmo wadareedda Somaliland.


Jaahaliin anigu cidna ku odhan maayo, weligay se dameeri dhaan raacday isuba qabo in aan noqday.


Cidda aan raacayo ee aan wax ka qaadanayo waa cid aan u arkay in keeneen wax ka gadmi kara oo u qalma in la iibsado badeecsdna ha ahaato’e.


Cidda aan taageerayo na waxa aan ku qancaa waxa aan ka arko, marka aan ficil ahaan ka waayana waxa furan sidaas ma aha, haddii aan arko in aan sidaas lagu wada socon karinna waxa bannaan waddada.


Intaas ka dib, Axmed, oo isu soo dhoweyn u gol lehi waxa uu si ballaadhan u soo bandhigay qaybo ka mid ah kaalintii aan ku lahaa hawshii isu diyaarinta doorashada iyo ololaheedi iyo sidii tognayd ee aan Muuse Biixi u taageeray oo uu gunaanad uga dhigay Axmed in ay mudnayd in tixgelin la igu siiyo oo xil la ii magacaabo.


Axmed been kama uu sheegin doorkaygaas taageero ee ololahaa doorashadii 2017 oo anigaa ba ugu daraya taageeradaydii Muuse Biixi ee xilligii loollanka xisbiga dhexdiisa 2015 aniga oo aan weli Kulmiye ka mid noqon.

"Anigu dhan baan ahay oo dhexdhexaad ma noqon karo” in badan baa xusuusan. Xilligaa (2015) ee aan Muuse Muuse Biixi taageerayo Kulmiye ba kama aan mid ahayn.


Soo qaado diyaarintii manifeestada xisbiga iyo qorsheyaashii hawl gal iyo fulintooda haddii la guuleysto iyo in kale oo badan oo Axmed qodobbadiisa ka maqan.


Run ahaan. Axmedow, hawshaas ballaadhan ee daalka iyo rafaadka lahayd waxa galay dad kumannaan ah oo rag iyo haween lahaa, dhallinyaro iyo waayeel lahaa oo qaarkood iga dedaal badnaaayeen. Tolow dadkaasi ma in xil loo dhiibaa bay u wada socdeen, haddii loo dhiibi waayo na ay muraaradillaacaan oo guushii ay wax ku lahaayeen ka horyimaaddaan bay ahayd?!

Wallaahay, marka ay arrimahaasi igu soo noqnoqdaan waa aan argaggaxaa. waayo waxa meel lagaga dhacayaa mabaadi iyo milge bulsho iyo mid qofeedba.

"Allow yaa wax suureeya”!


Guusha la helo waxa ka culus hanashadeeda. Haddii uu qofku yeesho han aanu hunguri ku jirin oo uu is leeyahay guusha la helay hanashadeeda wax baad kaga tari kartaa waa sax oo waxa uu qofku wax u bartaa in uu bulshadiisu wax ku celiyo, isna ku sharfanaado marka uu ku jiro kaalin ka qaadashada hawadinta hawlahs qarannimo.


Haddii hankiisu uu u rumoobi waayo waa okay oo waa laba mid uun: in xil uu isku bilkeedo,/ tijaabiyo loo magacaabo ama waa in uu arkaa in hanashadii guusha oo si habboon faraha ugu jirto.


Xitaa haddii xil laguu dhiibo oo halkii lagu socdey laga baydho xilkaasi waa barkumataal.


Qofka ujeeddada iyo mabaadida lehi isaga oo aan xil loo dhiibin ayuu ku qancayaa haddii uu hoggaanku cagta hayo jidkii jeexnaa.


Haddii se uu qofku arko hanashadii guusha oo lagu ballaysimayo guushaas wax burburin kara ama garasho la’aan ha ka ahaato ama wax kale oo u dagamsani ha jiraane, saw waxa ku horyaallaa ma aha in aad talo dib isugu noqoto?

Xal kale marka aad weydo ee dhegihii furnaa ee shalay doorashada ka hor talooyinka lagu maqli awdmaan oo la fur lagu juqaalana, saw talo kale dib isugu moqon maysid?


Halgannadii hore gaylan daba socdaa furan. Dorraad iyo shalay guulihii?

"Ku soo durug dab qaadkii

Iyo weliba deebaaq”!


Heego waa ka qayb aafada qaranka Somaliland. Muuqashada ifafaalaheedu waxa uu soo baxay xilligii isu diyaarinta doorashada iyo ololaheeda. Anigu markaas baan dareemay oo rag kale iyo anigu Muuse iyo hoggaankiisa xisbiga u bandhignay in halistaas wax laga qabto, inta ay goori goor tahay. Tani madal iyo mafag bay leedahay hebello leh.


Markii aan arkay in ficiladii iyo hab-dhaqankii Heegadii In Cabdi Ileyna waxa ay ii la muuqatay in kuweennuna la sinji iyo sawrac wadaagaan.


Axmedow haddii ay jiraan Ciyaalo Farmaajo na waa Heego kale uun. Dhaqan-xumo waa dhaqan xumo ama madaxtooyada Somaliland ha laga soo abaabulo ama ta Muqdisho ama meel kale’e.


Caddaymo badan oo ku saabsan Heegada Muuse iyo sida ay wax kharribaan ee ay qarannimada ugu dhillaystaana waa la wadaa oo msrka ay habboonaato waa loo soo bandhigayaa bulshada ee la soco daaxiibkayow.

"Wallee qalin daraalaha

Dembi qaranka laga galay

Kama qariyo maatida”!


Gunaanad

Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa iskuma hayno wax shakhsi ah aan anigu ka tirsanayo ama iyagu igu leeyihiin.

Wax se yaalla miiska oo shillalka lagu qalayaa wax ka weyn qof iyo qofaf oo ah masiirkii iyo taladii ummadnimo.

Isagaana (Muuse Biixi) loo igmaday oo gacanta ku haya. Kolbaba sida uu taas ka yeelo ayaa naga dhaxaysa, sida uu hadda yeelayaana si laga oggolaan karo ma aha.

"Nin gar iigu dudayow

Dermo haygu kala bixin”!


Mohamed Baashe

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...