"Saddexdayada xisbi Qaran Koomishanka Doorashooyinka ayaanu la kulanay…"Murashax Cirro.

0
Monday December 13, 2021 - 11:00:17 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Saddexdayada xisbi Qaran Koomishanka Doorashooyinka ayaanu la kulanay…"Murashax Cirro.

    Waxaanu yidhi."Waxa hadda loo hadhuub qaadanaya doorashada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaanu yidhi."Waxa hadda loo hadhuub qaadanaya doorashada


Musharrax madaxweyne ee xisbiga WADDANI, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in saddexda xisbi Qaran, ay si wada jir ah ula kulmeen guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, waxaanu xusay in koomishanku masuuliyiinta saddexda xisbi u sheegay in ay madaxweynaha u gudbiyeen miisaaniyaddii iyo jadwalkii doorashadu ku qabsoomaysay madaxweynahana ay la ballansan yihiin.


Sidoo kale waxa uu tilmaamay in doorashadu ay wakhtigeeda ku qabsoomayso haddii ILLAAHEY yidhaahdo.

Waxaanu Cabdiraxmaan Cirro sidan ka sheegay khudbad u jeedinayay taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee dalka Sweden.


Waxaanu yidhi."Waxa hadda loo hadhuub qaadanaya doorashada madaxtooyada oo xilligeedii ku dhacaysa haddii ILLAAHEY yidhaaho.


Intii aanan soo bixin saddexda Xisbi Qaran si wada jir ah ayay ula kulmeen Komishanka Doorashooyinka 18 November, Komishanku waxay noo sheegeen in ay Madaxweynaha u gudbiyeen miisaaniyaddii iyo jadwalkii doorashadu ku qabsoomaysay madaxweynahana ay la ballansan yihiin, intaa dalka waan ka soo maqna ee waxaan filaya in arrintaasi dhammaatay.


Doorashadii hore ee wakiillada iyo deegaannada magac wanaagsan baynu ka helnay haddii aynu Somaliland nahay oo waxaa joogay masuuliyiin badan oo safiirro u badan, waxay noqotay in lagu tilmaamo doorashadii ugu fiicnayd Geeska Afrika haddiiba aanay noqon Afrika oo dhan.


Magacii ugu weynaana kolba ninka madaxda ah baa qaata oo Muuse Biixi baa qaatay magacii ugu weyna waxaanan filaya in uu tanna (Doorashada Madaxtooyada) magaceeda qaadan doono xilligeediina ku qaban doono Insha Allah,”
Loading...
Loading...