Deg Deg Buuq ka taagan furitaanka Kulanka Golaha Wakiilada Somaliland

0
Monday December 13, 2021 - 10:16:06 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg Buuq ka taagan furitaanka Kulanka Golaha Wakiilada Somaliland

    Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan im gacan ka hadal uu dhexmaray.....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan im gacan ka hadal uu dhexmaray.....


Waxaa Maanta uu buuq hareeyay furitaanka Kulanka Golaha Wakiilada Soomaaliland kadib markii qaar kamid ah Golaha Wakiilada ay diideen inay Gudaha u galaan Xarunta.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland oo isugu jira Muxaafid iyo mucaarad ayaa isku khilaafsan Ajandaha Maanta kulanka ee ah furista ururada siyaasada Somaliland oo shalay Xukuumaddu sheegtay inay furan yihiin.


Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan im gacan ka hadal uu dhexmaray laba kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiilada, kuwaas oo kala ah Xildhibaan Maxamed Khadar iyo Xildhibaan Khadar Guun.


Qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaja Wakiilada Somaliland gaar ahaan kuwa muxaafidka ayaa sheegay inaanay saaka gudaha u galayn Xarunta fadhiga golaha, iyaga oo ku eedeeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif inuu Sharcigii Golaha aftuubtay.
Loading...
Loading...