Xildhibaan Sheegay In Golaha Wakiilada Kala Qaybsanaan Iyo Kala Shaki Ka Dhex jiro

0
Monday December 13, 2021 - 07:41:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Sheegay In Golaha Wakiilada Kala Qaybsanaan Iyo Kala Shaki Ka Dhex jiro

    "War Caqligu Iyo Damiirku Hashaqeeeyo Sidan Maaha waxii la'inoo doortay ee shaqadeenu ahayde."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"War Caqligu Iyo Damiirku Hashaqeeeyo Sidan Maaha waxii la'inoo doortay ee shaqadeenu ahayde."

Hargaysa (HWN) Xil-Axmed Khaliif oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in shaki kukala dhex jiro xidhibaanada golaha wakiilada oo aad arkayso ayuu yidhi in goluhu kooxkoox ukala fadhiyo, xildhibaanka ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo udhignaa sidan:-

 

"Subax Kasta oo aad Golaha Wakiilada aad timaado , Waxaad Imaneysaa Golihii  oo Dareen Iyo Kali Shaki iyo Qaybsanaan Wayn aad dareemeyso,  Qolo walba waxay ka qabtaa dhinaca kale Dareen ah, Tolow Maxay wadaan Saaka.



 Waxaa Ayan Daro Wayn ah In Xildhibaanadii Umadan Soo Dooratay ee Waxa Wayn Laga Filayay ,Waxaa Muuqata Inay cid Walba Ushaqeyneyso Cid gaar ah oo ay Talada iyo Goaanada Kasoo qaataan,Halkii ay Ahayd Inaan Qarankan Aan Udhaaranay Dhamaanteen Si wada jir ah ugu wada shaqeyno  oo Caqligooda iyo Dareenkooda Maskaxeed Kushaqeeyaan, oo ay ahayd inay Xor ka ahaadaan,Talo iyo Caqli Cid kale iyo Meelo kale Kayimid .oo aan iyaga kaiman.


Ilaa Inta  Qolo Guriga Madaxtooyada Laga soo Abaabulayo. Qolo Xarunta Wadani laga soo Abaabulayo.Qolo Kale oo koobana Xarunta Ucid laga soo Abaabulayo, Iyo Qolo kale oo Siyaasiga Maxamuud Xaashi xagiisa laga soo Abaabulayo ,Waana Xisbiga Afaraad ee Qarsoon ee Golaha Nala jooga laakinse aan Muuqan .


Way sii socon doontaa kala qaybsanaanta Golahani oo Bilowgii Hore ee Doorashadii Iyo Loolankii Shirgudoonka lagu kala badiyay ,Saameynteediina way taagan tahay wali.


War Caqligu Iyo Damiirku Hashaqeeeyo Sidan Maaha waxii la'inoo doortay ee shaqadeenu ahayde.

Bal aan Eegno Xaalku Sidu Noqon doono Barrito Isha allah


Allase Waxaan Karajaynayaa Inaanu Midha Xaqa ah iseejin Aniga"

Loading...
Loading...