"Muddo Kordhin Xaaraan Ah Ayaa Laga Dhex Baadhayaa Xeer 14" Xisbiga Waddani

0
Sunday December 12, 2021 - 22:34:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    "Muddo Kordhin Xaaraan Ah Ayaa Laga Dhex Baadhayaa Xeer 14" Xisbiga Waddani

    "Khaatumadana hayska xumayn faan aan ahay doorosho qabashadeed ma hayso xukuumaddaadu"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Khaatumadana hayska xumayn faan aan ahay doorosho qabashadeed ma hayso xukuumaddaadu"

Hargaysa (HWN) Maxamed Sidiiq Dhamme oo ah Xog-hayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga WADDANI ayaa sheegay in furista ururada siyaasada Somaliland xukuumada Muuse Biixi ka dhex raadinayso Muddo kordhin.

Xoghyaha ayaa qoraal uu arinkaasi kaga hadlayo oo uu baahiyay uu uqornaa sidan:-

 

"Muddo kordhin xaaraan ah ayaa laga dhex baadhayaa xeer 14, Madaxweyne 10 bilood ayaa kuu hadhee doorosho isu diyaari, doorashada dastuuriga ah ee ku eeg 2022 isu diyaari, khaatumadana hayska xumayn faan aan ahay doorosho qabashadeed ma hayso xukuumaddaadu, xeerku markii uu yaallay Madaxtooyada ayaad ku duugi lahayd saxeexa haddase faafintiisa, wax ka bedelkiisa iyo in fasiraadiisa waxay u taal haayaddo aan ahayn ta aad hoggaamiso, dalka fawdo haw horseedina afkiina ururo ku furmayaa ma jiraan, Illahoow waaga yuu waraabe cunin.” Xoghaye Dhamme


Loading...
Loading...