Abiy Axmed Oo Ku Laabtay Jiida Hore Ee Dagaalka Kana Qabsaday TPLF Wado Istiraatiiji Ah

0
Sunday December 12, 2021 - 17:29:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abiy Axmed Oo Ku Laabtay Jiida Hore Ee Dagaalka Kana Qabsaday TPLF Wado Istiraatiiji Ah

    "waxayna qabsadeen dhowr magaalo oo kale,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxayna qabsadeen dhowr magaalo oo kale,"

Ciidamada Itoobiya ee dagaalka kula jira fallaagada daacadda u ah Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa qabsaday waddo istiraatiiji ah oo isku xirta magaalada Woldia iyo caasimadda Tigreega ee Mekelle, sida ay sheegtay shabakadda Fana.

 

Xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu qeyb ka ahaa howlgalkii lagu qabsaday wadada weyn ee istiraatiijiga ah.

 

"Ciidamada isku dhafka ah ee Itoobiya oo uu hoggaaminayo Taliyaha guud ee ciidamada iyo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed" ayaa la wareegay " Jidka Istiraatiijiga ah ee Woldia iyo Mekelle , waxayna qabsadeen dhowr magaalo oo kale," ayuu lagu yiri Fana.

 

Fana ayaa intaa ku dartay: "Qaar badan oo kamid ah maleeshiyaadka argagixisada ah ee TPLF ayaa dhowr jiho lagu jebiyay, qaar kale oo ka badbaaday weerarka culus ayaa si fuleynimo ah ugu gurtay meelo badan, waxaa sidoo kale lagu dhaawacay askar badan oo ka tirsan TPLF."

 

BBC


Loading...
Loading...