Musharax Ciro Oo Ka Hadlay Doorashada Madaxtooyada Iyo Wakhtiga Ay Dhacayso

0
Sunday December 12, 2021 - 14:36:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharax Ciro Oo Ka Hadlay Doorashada Madaxtooyada Iyo Wakhtiga Ay Dhacayso

    "Waxa hadda loo hadhuub qaadanaya doorashada Madaxtooyada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa hadda loo hadhuub qaadanaya doorashada Madaxtooyada"

Hargaysa (HWN) Musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo khudbad u jeedinayay taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee dalka Sweden ayaa sheegay in dalku haatan udiyaargaroobaya doorashada Madaxtooyada Somaliland.



Isagoo dhinaca kalana madaxwayne Muuse Biixi ku amaanay doorashadii isku sidkanayd ee dalka ka dhacday.

 

"Waxa hadda loo hadhuub qaadanaya doorashada Madaxtooyada oo xilligeedii ku dhacaysa Insha Allah. Intii aanan soo bixin Saddexda Xisbi Qaran si wada jir ah ayay ula kulmeen Komishanka Doorashooyinka 18 November, Komishanku waxay noo sheegeen in ay Madaxweynaha u gudbiyeen miisaaniyaddii iyo jadwalkii doorashadu ku qabsoomaysay Madaxweynahana ay la ballansan yihiin, intaa dalka waan ka soo maqna ee waxaan filaya in arrintaasi dhammaatay.

 

Doorashadii hore ee Wakiillada iyo deegaannada magac wanaagsan baynu ka helnay haddii aynu Somaliland nahay oo waxaa joogay masuuliyiin badan oo safiirro u badan, waxay noqotay in lagu tilmaamo doorashadii ugu fiicnayd Geeska Afrika haddiiba aanay noqon Afrika oo dhan, magacii ugu weynaana kolba ninka madaxda ah baa qaata oo Muuse Biixi baa qaatay magacii ugu weyna waxaanan filaya in uu tanna (Doorashada Madaxtooyada) magaceeda qaadan doono xilligeediina ku qaban doono Insha Allah,”

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo khudbad u jeedinayay taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee dalka Sweden

Loading...
Loading...