Geeska Africa Waxa Uu Isku Rogayaa Gego Dagaal ( Battle Zone )

0
Sunday December 12, 2021 - 09:44:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1069
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Geeska Africa Waxa Uu Isku Rogayaa Gego Dagaal ( Battle Zone )

    W/Q: Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Abdi Jama

                Inta taariikhda la og yahay gobolka Geeska Africa waxa uu ahaa gego dagaal ( Battle zone ) dagaaladaasi oo sida ay taariikhdu xustay salkoodu ahaa fidsi awood maamul , caqiido , dhul , gumeysi la dirir , iyo siyaasad ahaa ayuu la ildarnaa gobolkani oo ka reebay gobolada kale ee qaarada Africa iyo aduunkaba.

 

Hadda ayaa waxa uu u muuqdaa in ay soo foodsaarayaan xiliyadii uu ugu xumaa oo waxa laga cabsi qabaa in ay gobolkani ka qarxaan dagaalo isir ku dirir oo halistooda leh , waxaana uu u muuqdaa hadii ay dagaaladani dhacaan in ay iman doonto ;

 

1-Qaraq dad oo abuura macaluul , gaajo baahsan , barakac iyo xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo bata.

 

2- Burbur dawladaha gobolka ku yimaada oo sameeya khariidad kale oo ku saleysan isir iyo qabiilooyin.

 

Arimahani waxa sababaya in ay gobolkani soo foodsaareen dagaalo nooca loo yaqaan xarbul wakaala ama ( proxy wars ) ku fadhiya dano dhaqaale iyo istaratijiyadeed oo mustaqbalka ay dawladaha waaweyn ee aduunku ka leeyihiin gobolkani oo hurinaya dagaalada hada socda.

 

Iyo dadka gobolkani ku nool oo mudo badan ahaa qaar aan helin nidaamyo maamul oo umadaha ku nool gobolka ka saara qoqobka , qaybsanaanta , colaadaha iyo cadaawadaha soo jireenka ah ee la kala tirsanayo.

 

Sidoo kale gobolkani waxa hore loogu soo raray dagaalo caalamiya oo ay ka mid yihiin dagaalka argagixisada , budhcad badeedka iwm kuwaas oo dhamaantood laga lahaa ujeedooyin fog , waxaa uu gobolkani ahaa soddonkii sanadood ee ugu dambeeyay mid lagu tijaabiyo hubka cusub ee la sameeyo , sunta iyo qashinka nukliyeerka lagu aaso ama lagu qubo badihiisa iyo barigiisaba , waxaana laga dhigtay goob tababaro iyo tijaabo aduunka dawlado ka mid ahi ka dhigtaan.

 

Waxaa loo soo raray gobolkani afkaaro siyaasadeed, diimeed, daneed , xagjirnimo iyo qaar dagaal oo ilaa maanta dadka gobolkani ku nool nus qarnigii ugu dambeeyay aafeeyey, iyaga la isku jeedinayo si ay isugu dhamaadaan oo dhulkoogana loo maamulo , khayraadkoodana loo gurto .

 

Hadda waxa ku yaalla ilaa todoba saldhig ciidan oo ay leeyihiin dawlado qalaad , waxaa dhamaantood ay faraha kula jiraan siyaasada ka socota gobolkani oo ay ka qumisanayaan muraadkooda , waxaa kale oo lagu tijaabiyaa hubka cusub , diyaaradaha is wada,  dawooyinka tijaabada ah iyo raashinada sameyska ah.

 

Gobolkani oo hore ula il-daran waxii saameyn ahaa ee xaaladahaasi aynu ka soo hadalnay sababeen ayaa hada ka mid ah meel aad aduunku isha ugu wada hayo oo dano badani ku xidhan yihiin kuwaasi oo sababaya in ay sii bataan dagaalada , qaybsanaanta iyo cadaawadaha ku saleysan danaha is khilaafsan ( conflict of interest ).

 

Isku soo wada xoori gobolka Geeska Africa waxa uu ku jiraa xiligii uu ugu rejada xumaa taariikhda, waxaa jirta cabsi badan in uu qarxo dagaal qoomiyado iyo isir dabada ku hayaa oo uu sababo dhibaatooyin laga soo kaban kari waayo , ilaa hadda ma jirto dadka gobolkani u dhashay cid uga fekeraysa si guud waxa mustaqbalka dadkoogu mudan doono.

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...