Sidee Ay U Jiri Kartaa Umad Maalin Walba In Ka Badan Boqol Cod Baahiye Wax Looga Sheegayaa ?

0
Sunday December 12, 2021 - 09:31:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Ay U Jiri Kartaa Umad Maalin Walba In Ka Badan Boqol Cod Baahiye Wax Looga Sheegayaa ?

    " Nin baa kor u kaadjay markaasaa la yidhi waar maxaa ku helay markaasuu yidhi waxa aanu nahay duul culimo qastay "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Nin baa kor u kaadjay markaasaa la yidhi waar maxaa ku helay markaasuu yidhi waxa aanu nahay duul culimo qastay "

Haddaba waxa isweydiin leh dal dawlad leh oo dastuur leh iyo calan ay ku heshiiyeen in ay ku hoos noolaadaan oo ay yeeshaan hab maamul oo kala dambayn leh oo haddana maalin walba in ka badan boqol cod baahiye ( microphone ) wax looga sheegayaa sidee ay u jiri kartaa ?

 

Kaalinta dawladu ay ku leedahay bulshada hanuuninteeda iyo wacyigalinteedu intee ay leeg tahay? Maxaa sababay in dawladnimada lagaga kalsoonaado wadaad qaraamaad carbeed u soo dhacaan oo masaajid maalinba mawduuc ka soo dhex akhriya ?

 

Sida la Isla qirsan yahay qofwaliba oo wax sheegaya ama wax dhigaya ama umad soo hor istaagay waxa uu wado kama madhna in uu fekerkiisa iyo sida uu wax u rabo uu dadka ugu soo gudbiyo , sidoo kale waxa islaamku markii uu arimahani hore ugu maaro waayey sameystay in la Isla qaato waxii lagu kala duwan yahay waxa inta badan culimada islaamku Isla qabaan.

 

Waxa kale oo aynu ka warqabnaa in wadaadka jooga yoolkiisu yahay in uu talada umada qabsado ama si uun saameyn ugu yeesho isaga oo wax ku raba kitaabkii iyo axaadiistii lawada lahaa ee umada u dhexda ahaa in loogu habrado oo uu dadka kaga fadilnaado.

 

Waxa aynu ognahay in ay ina dhex socdaan afkaaro siyaasadeed oo dalal kale leeyihiin sidoo kale ay jiraan afkaaro xagjirnimo oo dadkii loo kala saarayo in xun iyo in wanaagsan oo xisaabtii Alle aad moodo in ifka loo soo saaray.

 

Waxa laga yaabaa in aad is leedahay muxuu ninkani wadaadada ku haystaa wax badan oo kale oo qaldan ayaa jira e , waa run laakiin cida ugu badan ee umada saameynta iyo wax sheega ku leh waa wadaadka oo marka ay ugu yar tahay maalintii aad hal wacdi ka dhageysato ama ilmahaaga wax u soo dhiga ama adiguba aad wax ka baratid,  waxa ugu badan ee inaga qaloocan ayey qayb ka yihiin.

 

Hadii culimadu rabaan in ay umada hogaamiyaan siyaasada ha soo galaan oo kaalintooda ha ka ciyaaraan , hadii kale wax isweydiin u baahan umad ay ku socdaan boqolaal cod baahiye oo kala wada afkaar aragti iyo ra'yi duwani maalinwalba oo wax looga sheegayaa sida ay u sii jiri karto.

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...