Somaliland iyo Roodhida; Arjantiin iyo Beedka.

0
Sunday December 12, 2021 - 08:42:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1859
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland iyo Roodhida; Arjantiin iyo Beedka.

    W/Q: Dr. Fosi M. Kofal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Dr. Fosi M. Kofal

Arrintii roodhi laydha ee Somaliland ka dhacday waxay i soo xasuusisay qiso la yaab leh oo la mida oo dalka Arjantiin iyana ka dhacday:



Dhawr sano ka hor ayuunbay ahayd markii muwaadiniinta reer Arjantiin ay subax ku soo tooseen iyadoo ganacsadayaashii beedku ku heshiiyeen inay ku qaaliyeeyaan beedkii ay ku quraacan jireen. Subaxaas nin reer Arjantiin ah oo jeclaa inuu beedka ku quraacdo ayaa ku kallahay dukaamaddii, markii uu maqalkii keensaday beedkii uu iibsanayay ayaa sixirkii cusbaa loogu dhuftay, markaas ayuu yaabay oo uu yidhi, "Walal, xabbada beedka ahi miyaanay ahayn 1,000 peso? (lacagta Arjantiin ayaa peso la yidhaahdaa). Inankii maqal-hayaha ahaa ayaa ugu jawaabay, "Mayee walal, iminka xabbaddii beedka ahayd waxaa laga dhigay 1,500 peso. Waana sixirka cusub.” Ninkii intuu beedkii iska dhigay ayuu yidhi, "Hadday sidaas tahay beedba uma baahni, ee iska haysta!.” Isla markiiba waxa uu maciinsaday baraha bulshada oo sheekadiisi la wadaagay reer Arjantiin oo dhan. Muddo yar ka dibna waxaa abuurmay olole lagu joojinayo iibsiga beedka oo halku-dheggiisu ahaa hashtag odhanaysa #Jooji_iibsiga_beedka.


Maalmo ka bacdi ayaa sidii caadadu ahayd waxaa dukaamaddii soo maray gaadhigii beedka u qaybin jiray. Waxaa la yaab noqotay in dadkii mulkiilayaasha dukaamadu diideen inay beedkan cusub ka rogtaan gawaadhidii waayo waxaa u yaala oo aan weli cidi ka iibsan beedkii ay hore u hayeen. Markay arrinkii ay maqleen ayay ganacsatadii heshiisay shir degdeg ah galeen oo ay is-weydiiyeen maxaa talo ah. Waxay is-moodsiiyeen in shacabku hiyi-kacsanyahay, meel fogna aanuu gaadhsiisnay ololahoodu oo ay waqti siiyaan intay ilaabayaan. Waxaanay talo ku gooyeen "Aan u samrano maalmo.”


Wax la dhawraba, shacabkii mawqifkoodii waa ku adkaystay, beedkiina waa baaryay, ganacsatadiina way khasaartay. Talo markii ay ku cadaatay, ganacsatadii shir jaraa’id ay ku baryootamayaan ayay qabteen, shacabkiina waxay u sheegeen in qiimihiina lagu kordhiyay beedka meesha laga saaray oo xabbadii beed ah lagu soo celiyay qiimihii hore ee 1,000 peso ahaa.


Haddaba arrinka la yaabka lihi wuxuu noqday in shacabkii weli ku sii adkaysteen inay joojiyaan isticmaalka iyo cunista beedka si ay u edbiyaan ganacsatada dhiigmiiradka ah ee aan u tudhayn shacabka. Laba wiig oo kale ayaa ka soo wareegtay, ganacsatadiina meel ay ku kala xareeyaan beedkii ay u dhalayeen digaagii ay dhaqanayeen ayay garan waayeen.


Ugu dambeyn, talo waxay ku soo ururtay in shir jaraa’id kale la qabto oo raali gelin weyn la siiyo shacabkii reer Arjantiin, ganacsatadii oo madaxa foorarinaysaana ay go’aansadaan in qiimihii hore haddana la sii jebiyo oo midhkii beed ah lagu iibiyo keliya 700 peso. 


Shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay "Hambalyo!”. Wadadii guusha iminka ayuunbaad cagta saarteen, shacabkaas reer Arjantiin ee damiirkoodu noolyahayna aynu casharada inta inaga dhiman ka barano.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...