Aragtidii Abiy Ahmed Ee Ciidamaynta Geeska Africa Ee Dawladaha Shisheeye Ma Wax Baa Iska Badelay ?

0
Saturday December 11, 2021 - 09:56:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Aragtidii Abiy Ahmed Ee Ciidamaynta Geeska Africa Ee Dawladaha Shisheeye Ma Wax Baa Iska Badelay ?

    W/Q: Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Abdi Jama

Raisal wasaaraha dalka Ethiopia ayaa aaminsanaa in gobolka Geeska Africa oo ay ku yaalaan ilaa toddoba saldhig military oo ay leeyihiin dawladaha shisheeye in ay khatar ku yihiin gobolka.

 

Waxa uu hore u cambaareeyey saldhigyada dawladaha shisheeye ee ku soo badanaya gobolka , waxaana hadalkiisii ka mid ahaa ma doonayno in gobolkani noqdo garoon dagaal ( Battle field  ) lagu dagaalamo oo ay ka jiraan saldhigyo ciidamo shisheeye.

 

Xiligaasi oo uu dardar iyo niyadsamidii aragtidii isku-furanka Geeska Africa ee uu waday uu ku jiray ayaa waxa uu baaq dheer ku yidhi dadkayagu waxa ay u baahan yihiin nolol , nabadgalyo iyo xasilooni maadaama uu gobolkani la ildaran yahay barakac , macaluul ,dagaalo sokeeye , dagaalo argagixiso iyo afkaaro siyaasadeed oo gaboobay oo wata qoqob.

 

Waxa aad loo hadal hayaa in dagaalkii uu hadda kula jiray ciidamadii huwanta ahaa ee jabhada oromada iyo xooga difaaca Tigray in looga soo gurmaday saldhigyada military ee ku yaalla Gobolka Geeska Africa qaar ka mid ah , sidoo kale lagu caawiyey diyaaradaha dagaalka , kuwa wax basaasa iyo hub casri ah oo uu ka helay dawladaha khaleejka , Turkey iyo Iran walow aan lahayn war rasmi ah.

 

Waxa aragtidan sii xoojisay markii saldhigga ciidamada ee uu ku leeyahay dalka Turkey Somalia uu dalbaday diyaaradaha is wada oo la sheegay in lagu caawiyey ciidamada Turkeygu u tababaray jamhuuriyada federaalka soomaaliya , arimahani ayaa ah qaar aad u xasaasi ah xili gobolkani ay soo waajaheen xaalado dagaalo iyo colaadeed oo uu weheliyo dagaalkii lagula jiray argagixisadu.

 

Dhinaca kale waxa aad moodaa in uu mar labaad hanqalka la soo kacay heshiiskii sadex geesoodka ahaa ee ay wada galeen dawladaha Abiy Ahmed, Afawerki iyo Farmaajo oo xaalad aan wanaagsanayn ku ahaa Gobolka Geeska Africa maadaama oo aanu jirin cadaw la isku baheystaa iyo ujeedooyin qasbaya in xulafooyin noocan ahi xiligaasi ka sameysmaan Gobolka Geeska Africa.

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...