Awoodda Milatari ee Diyaaradaha Drones-ka Turkiga iyo Halista Soomaalilaan ku iman karta Haddii uu Soomaaliya Siiyo.
Awoodda Milatari ee Drone-ka Turkiga
Sannadkii
2015-kii ayey Turkiga u suurtagashay inay si buuxda u samaystaan diyaaradaha
casriga ah ee aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka. Waxaana u sameeyey wiil la
yidhaa Selcuk Bayraktar oo ay magaciisa xambaarsan tahay diyaaradda Drone-ka ee
Bayraktar TB2. Wiilkan ayaa soo dhammaystay jaamacad ku
taal Maraykanka oo lagu magacaabo MIT. Madaxweyne Urdugaan oo ku faanaya
diyaaraddan ayaa yidhi” waxaanu nahay dalka saddexaad ee adduunka ugu awoodda
badan dhinaca Drone-ka. Ka eeg faahfaahnta halkan. https://www.aa.com.tr/en/science-technology/turkey-among-top-3-countries-in-world-in-combat-drone-technology/2349922.Turkigu wakhtigan wuxuu midhii Drone ah siiyaa shan
Milyan oo Doollar. Wixii intaasi ka horreeyey wuxuu Turkigu haystay Drone-ka
nooca wax basaasa ama macluumaadka soo ururiya oo keliya.
Dagaalladii Ay Guulaha ka soo hoysay Drone-ka Bayrakhtar TB2.
=
Ciidan lagu qiyaasay inta dhaxaysa 3,000 ilaa 5,000 oo askari ayuu Bashaar
doonayey inuu ku qabsado gobolka Idlib oo weliba wata tiknikadoodii. Waxa
dagaal kala hortagay ciidanka jabhada SDF ee Turkigu taageeri jiray oo ay
dhinaca cirka ka taageerayso Drone-ka Bayrakhtar TB2. Muddo laba bilood
gudahood ah ayey diyaaradu burburisay dhammaan ciidamadii iyo tiknakadoodii.Raadaarkii
Ruushka ayaa qaban waayey Drone-ka Turkiga. Waana markii koowaad ee diyaaradda
la tijaabiyo waxtarkeeda.
= Liibiya: markii labaad ee la tijaabay awoodda Drone-ka Turkiga ayaa ahayd dagaalkii uu Janaraal Xaftar ku hayey dalka Liibiya, isaga oo ka soo duullay magaalada Banqaasi ee bariga Liibiya. Ciidamadii Xaftar oo ka dhex-dagaalamaya xaafadaha caasimadda Tiriboli ayey weerartay Drone-ka Turkiga. Muddo kooban ayaa cagta lagu mariyey Xaftar oo dantu ku khasabtay inuu la heshiiyo dawladda.
=
Asaarbajaan: markii saddexaad ee la tijaabiyo awoodda Drone-ka Turkigu waxa ay
ahayd dagaalkii dhexmaray Armaaniya iyo Asaarbajaan dabayaaqaddii sannadkii
2020-kii. Dawladda Turkiga oo taageeraysa Asaarbajaan ayaa ciidamo calooshood u
shaqaystayaal Suuriyaan ah iyo diyaaradaha Drone-ka u dirtay dagaalka. Armaaniya muddo laba wiig ah ayaa la
burburiyey dhammaan ciidamadood iyo hubkoodii ay ku haysteen gobolka Nakoorna-Karabaakh.
Waxa jabka qirtay Raysal wasaarihii Armaaniya isaga oo ooyaya.
=
Itoobiya: markii afraad ee diyaaradaha Drone-ka Turkiga la adeegsaday waxa ay
ahayd dagaalka u dhexeeya jabhada TPLF iyo ciidamada Itoobiya. Jabkii soo
gaadhay ciidamadii TPLF ee muddo saddex wiig gudahood ay ku lumiyeen dhul
baaxad leh, waxa loo tirinayaa duqeymihii ay Drone-ka Turkigu u geysteen
ciidamadii TPLF.
Halista Soomaalilaan kaga iman Karta Drone-ka Turkigu Soomaaliya Siiyey
Turkigu Soomaaliya wuxuu u tababaraa ciidanka la yidhaa Hadhimacadka, waxaanu ku kala tababaraa xerada Al-Jasiira ee Muqdisho iyo kuwa uu geeyo Istaanbuul. Dhawaan ayuu Soomaaliya gaar Muqdisho keenay tiro diyaaradaha Drone-ka wax basaasa. Waxaana loo tababarayaa shaqaalihii hagi lahaa. Siyaasiyaga Cabdiraxmaan C/shakuur ayaa walaaciisa diyaaradahaasi ku muujiyey Facebook-giisa. Waana suurtagal in hadhowna uu Turkigu uu keeni karo kuwa dagaalka. Haddaba waxa ay halistu fadhidaa haddiiba uu kursiga ku soo noqdo Farmaajo, waxa dhici kara inuu diyaaradahaasi iyo ciidankaasi u adeegsan karo ciddii isaga mucaarada. Waxaana halista Soomaalilaan la wadaagaya beelaha Muqdisho, Puntland iyo Jubbaland oo aanu Farmaajo arki Karin.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!