Ila Qosol, ... Cabdullaahi Maxamed Cumar

0
Saturday December 11, 2021 - 09:48:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol, ... Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Nabad akhristayaasha mudnaanta iyo maamuusta ku dheehanow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabad akhristayaasha mudnaanta iyo maamuusta ku dheehanow.
  bariido kaddib, waxaynnu halkii ka sii wadi doonnaa; sheekooyinkeennii la magacbaxay, Ila Qosol.



Xilli ku beegnayd 1960 naadkii oo dadka intooda badani u haysteen, in shilayska (cayilka) ama buurnidu tahay astaan lagu garto: c aafimaadqabka qofka, taajirnimadiisa ama inta ay le'eg tahay cuntada uu cunay - oo intooduba ahaa astaamo togan beryahaasi, ayay islaan degganayd magaalo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed xanuunsatay! 


Markii ay bukootayna waxa tagtay, bukaansocoto yar (clinic) oo magaaladaasi ku taalley. Markii ay meeshii tagtayna, waxay shaqaalihii bukaansocotada weydiisey; in uu joogo dhakhtar caan ahaa oo ay magaciisa dadka ka maqli jirtey ase aanay muuqaalkiisa hore u arag!? Waxana loo sheegay, in uu joogo oo loogu yeedhi doono!


Dabadeedna, markii ay cabbaar fadhidey; ayuu u yimid nin abuuris ahaanna aad u nis yar, weydna  ahi (caato)! Waxana is yeelan waayey, muuqaalkii ay ka fileysey dhakhtarka magaalada iyo ninkan horteeda taagani sida uu eg yahay!!


Islaantu waxay u malayneysey, maadaama uu yahay dhakhtarka magaalada; in uu yahay nin shilis oo dadka kale ka wada cad oo dawo badan cunay - caafimaadkiisuna heersare yahay!!


Dabadeedna, waxay weydiisey dhakhtarkii, su'aal ay ku hubinayso, in uu yahay dhakhtarkii ay dooneysey iyo in kale? Waxayna tidhi, " Hooyo, ma adigaa dhakhtar hebel ah?!" Markaasi ayuu ugu jawaabey, " Haaye, maxaan hooyo kuu qabtaa?"


Islaantii intay kacday oo ay dhaqaaqday, ayay ku tidhi dhakhtarkii, " Hooyo, aniga ayaaba ku ildhaamee; waxaad aniga igu daweyn lahayd, adigu isku dawee!!"


"Ninba timo xamar!" Imikana cayilkii wuxu noqday, ceeb iyo cudur!!

Cabdullaahi Maxamed Cumar
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...