Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Walaac Ka Muujisay Xadhiga Sharcidarada Ah Ee Ku Soo Badanaya SLAND

0
Saturday December 11, 2021 - 09:26:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Walaac Ka Muujisay Xadhiga Sharcidarada Ah Ee Ku Soo Badanaya SLAND

    " waxay cambaraynaysa xadhiga Jilaa Idiris Siciid Mohamed (Sayidka Bakaysan) iyo Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" waxay cambaraynaysa xadhiga Jilaa Idiris Siciid Mohamed (Sayidka Bakaysan) iyo Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim."

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay cambaraynaysa xadhiga Idiris Siciid Mohamed oo loo yaqaano (Sayidka Barakaysan) oo ah jilaa dhalinyaro ah oo degen  magalada Hargaysa iyo Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim, oo is na Burco degan. Labada wiil ee dhalinyarada ah ayaa loo xidhay sababo la xidhiidha  inay ra’yigooda cabireen.

 

2/12/2021, waxay booliisku Hargeysa ku xidheen, Idiris Siciid Mohamed oo loo yaqaano Sayidka Barakaysan, kadib markii uu jilay oo uu duubay ruwaayad majaajilo ah taas oo uu baraha bulshada soo galiyay, isagoo sheegay inaanu cid gaar ah ula jeedin ee ay tahay uun wacyigalin guud.

 

Xadhiga jilaagan loo ma adeegsan wax warrant sharci ah oo sababaysan, Idiris waxa la horgeeyay maxkamadda 5/12/2021 iyadoo loo jaray todoba cisho oo rumaan ah wuxuuna hada ku xidhan yahay xarunta danbi baadhsita ee CID, sida ay eheladiisu xarunta u sheegeen.

 

Dhanka kale 6/12/2021, waxa Burco lagu xidhay Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim, oo ah nin dhalinyaro ah oo Burco degan, kadib markii uu bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku dhaliilay Wasaarada arimaha gudaha ee Somaliland.

 

Xadhiga dhalinyaradani  waxa uu lidi ku yahay dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ee xuquuqal Insaanka. Dastuurka Somaliland qodobka 32 (1) waxa u damaanad qaadayaa "in qofku xaq u leeyahay inuu rayigiisa ku cabiri karo hab qoraal ah, hadal ah, gabey, suugaan amaba qaabkale.

 

Dastuurka Somaliland waxa uu sidoo kale reebaya in qofka xoriyadiisa si aan sharci ahayn looga qaado. Sida ku cad qodobka. 25 (1) ee dastuurka Somaliland "qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan sharcigu banayn”.

 

Xaruntu waxa ay walaac weyn ka qabta xadhiga sharci darada ah een dastuurka  waafaqsanayn oo Somaliland ku sii badanaya, mudooyinkan danbe waxa sii xoogaysanaya dadka loo xidhayo inay ra’ayigooda cabireen.

 

 Ugu danbayn Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland inay joojiso xadhigyada sharci darada ah oo ay si degdeg ah usii dayso dhalinyarada xidhan, isla marka dastuurka dalka tixgaliso.

 

Yaasmiin Cumar  Xaaji Maxamuud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanaj

Twitter: @hrcsomaliland  


Loading...
Loading...