Ma Dhabaa In Diyaaradihii Dagaalka Turkiga Ee Armenia Lagu Jabiyay La Geeyay Soomaaliya?

0
Saturday December 11, 2021 - 09:15:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhabaa In Diyaaradihii Dagaalka Turkiga Ee Armenia Lagu Jabiyay La Geeyay Soomaaliya?

    Haddaba maxaan ka naqaannaa diyaaradaha Droniska ee Bayraktar TB2?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddaba maxaan ka naqaannaa diyaaradaha Droniska ee Bayraktar TB2?

Maalmihii la soo dhaafay waxaa si aad ah baraha bulshada loogu hadal hayay in dowladda Turkigu ay siisay dwoladda Soomaaliya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Droniska nooca uu Turkigu sameeya ee TB2, taas oo sida wararku sheegayaan loo tababaraya ciidamada ammanaka Soomaaliya si ay u adeegsadaan.

 

Inkasta oo warkaan ay baraha bulshada ku hadal hayaan siyaasiin iyo dadka shacabka ah, haddana ma jirto cid xaqiijisay sax-ahaanshiisa mana jirto cid ka tirsan dowladda oo arrintaa warbaahinta la wadaagtay ilaa iyo hadda. Sidoo kale, dowladda Turkiga iyaduna ma jirto meel ay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay siisya ama ka iibisay diyaaradahaan casriga ah ee aan duuliyaha lahayn TB2.

 

Balse warbixintaan waxaan ku eegaynaa waxa ay yihiin diyaaradahaan Turkigu naqshadeeyay iyo inta dal ay ka howlgaleen.



Haddaba maxaan ka naqaannaa diyaaradaha Droniska ee Bayraktar TB2?

 

Diyaaradan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada iyo howlaha basaasnimada.

 

Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150 kg ayaa ka howgali karta masaafo dhan ilaa 300 km.

 

Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay diyaaradan Dronis-ka ah waxaa uu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leeyihiin awood ilaa 300 litir oo shidaal ah. Diyaaradahaan waxay qaadi karaan markiiba 4 gantaal oo waaweyn.

 

Diyaaradahan TB2 ayaa la sheegay inay yihiin diyaarado tayadoodu sareeyo kana tayo wanaagsan kuwa ay soo saaraan dalal badan. Diyaaraddan waxaa soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Erdogan.

 

Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan

 

BBC

Loading...
Loading...