Eyga Duur-Joogta Ah Ee Afrika

0
Friday December 10, 2021 - 19:17:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eyga Duur-Joogta Ah Ee Afrika

    W/Q: Dr.Ibraahin Dhuxul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Dr.Ibraahin Dhuxul.

Eygani waxa uu kamid yahay boqortooyada xayawaanka (Animalia) bahda lafdhabarleyda ah (Chordata), gaar ahaan bahweynta Naasleyda (Mammalia). Sidoo kale waxay ku jiraan xayawaannada quuta hilibka (Carnivore) qoyska hoose ee micileyda (Canidae), kaas oo ay ka mid yihiin: Dacawada, Yeyga iyo Eyga dadka la nool. Bahda cilmiga Saynisku waxay ugu yeedhaan (Lycaon pictus). Eygani asal ahaan waxaa laga helaa qaaradda afrika gaar ahaan koonfurta iyo bariga qaaradda ama dalalka saxaraha ka hooseeya. Deegaanada leh kaymaha, cawska, saxaraha iyo bananka. Waxa uu caan ku yahay dhogor firidhsan iyo midab cadaan iyo casaan isku jira ah. Luuqadda ingiriisida waxaa looyiqaannaa (African Wild Dogs), Carabidana (كلببريإفريقي). Afka Soomaaligana Ey-dibadeed.



Cimrigiisu waxa uu gaadhaa 11 sano, dhererkiisuna 92 sentimitir, halka uu culayskiisuna gaadho 20 ilaa 30 kiiloo. Waxaana uu leeyahay 78 hiddo-side iyo 40 ilkood. Sidka ta dheddig waa 60 ilaa 80 maalmood, waxayna dhashaa badanaa 2 ilaa 20 ey inta u dhaxaysa, kuwaas oo ku qaangaadha 12 ilaa 18 billood. Eyan duurjoogta ahi waxa uu quutaa xayawaannada kale gaar ahaan xilliyada qaboobaha ah, saacadii waxa uu jari kara 44 mayl. Noolahani waxa uu kamid yahay xayawaannada quuta bakhtiga, isagoo u nool koox koox, sidoo kale waxa uu ku jiraa noolayaasha cuna hilibka kuwa kale ee hilib cunka ah (Tertiary consumers). Siday sheegatay ha'yadda (IUCN) ee ilaalisa waxyaabaha dabiiciga ah Ey-dibadeedku waxa uu kamid yahay xayawaannada aad usii tiro yaraanaaya kuwaas oo laga baqaayo in ay dabar go'aan.


Dhibaatooyinka ugu badan ee nolosha eygan galaafta waxaa sababa saddex arin oo kala ah: ugaadhsiga inbi aadamku kula kaco, xanuunka raybiska oo ku dhaca iyo iyagoo dhexdooda dagaalama. Inkasta oo uu xayawaankani yahay xayawaan axmaq ah oo noolaha isagoo nool kala goosta haddana inta la diwaan geliyay weli ibni aadan uu cunay lama soo sheegin, balse dadka qaarkood waxay aamisan yihiin inuu Ey dibadeedkani yahay bahalkii soomaalida cuni jiray berrigii hore maadaama oo laga helo wadamada ay soomaalidu dhulka wadaagaan qaar kamid ah. Ugu danbayntii Eygan duurjoogta ah haddii ay isu tagaan ka dabjoogta ah waxba iskama dhali karaan waayo, ka duurjoogta ah waxaa la'aaminsan yahay inuu asalkiisii hore ka yimi qoyska yeyda.


Mayeedhaan Magazine.

[email protected].

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...