Magacyada Masuuliyiintii Ugu Dambeeyay Ee Muuse Biixi Siiyay Cafiska Uu Joojiyay

0
Friday December 10, 2021 - 11:09:06 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada Masuuliyiintii Ugu Dambeeyay Ee Muuse Biixi Siiyay Cafiska Uu Joojiyay

    "Waxaa sidoo kale jira salaadiin iyo odeyaal dhaqameed ay xukuumadda Somaliland cafis u fidisay."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa sidoo kale jira salaadiin iyo odeyaal dhaqameed ay xukuumadda Somaliland cafis u fidisay." Siyaasiyiin badan oo ka qeybgalay nidaamka siyaasada Soomaaliya ayaa waxay marar badan cafis waydiisteen xukuumadda Soomaaliland.


Siyaasiyiintan ayaa cafiska dalbanayay iyaga oo ku sugan meelo ka baxsan deegaannada Somaliland.



Cafiska ayaa wareegtada lagu joojiyay ka hor waxa laga dalban jiray islamarkana bixin jiray madaxwaynaha Somaliland markaasi oo ka dib ay Siyaasiyiinta la cafiyay in dib Hargeysa ugu soo laaban jireen.


Siyaasiyiinta cafiska dalbanaya ayaa waxyaabaha laga doonayo waxaa ka mid ah in ay ka laabtaan oo ay si cad u sheegaan in ay ka tanaasuleen mabdi'ii hore ee uu qabay ee midnimada Soomaaliya.



Siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa oo Jagooyin kala duwan kasoo qabtay dawladihii Soomaaliya ayaa ka mid ah siyaasiyiinta cafiska loo fidiyay islamarkana sanadii 2015 dib ugu laabtay magaalada Hargeysa.


Maxamed Cumar Carte Qaalib oo horey u ahaa rai'sul wasaara ku xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka mid ah siyaasiyiinta cafiska loo fidiyay ee dib ugu laabtay Somaliland.


Sababta keentay in Maxamed Carte iska Casilo xubinimadii Baarlamaanka dalka ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii uu Go'aan ku gaaray inuu tego Hargeysa oo uu ku xanuunsanayay Aabihiis Cumar Carte Qaalib, uuna doonayo inuu soo arko


Mustafe Qodax oo ka tirsanaa xildhibaanadii aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ka mid ah shaqsiyaadkii ugu dambeeyay ee ay xuukamada Somaliland cafiska u fidisay ka dib markii uu ka tanaasulay fikirkii midnimada Saoomaaliya.


Waxaa sidoo kale jira salaadiin iyo odeyaal dhaqameed ay xukuumadda Somaliland cafis u fidisay.
Loading...
Loading...