Itoobiya ma waxaa la dagay dagaal sokeeye?

0
Friday December 10, 2021 - 09:59:39 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 959
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya ma waxaa la dagay dagaal sokeeye?

    Xiisadda sare u sii kacaysay ayaa waxa ay ku dhalisay muwaadiniinta reer Galbeedka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisadda sare u sii kacaysay ayaa waxa ay ku dhalisay muwaadiniinta reer Galbeedka

Colaadda ka aloosan gobolka Tigray ee waqooyiga waddanka Itoobiya ayaa waxa ay isu badeshay dagaal sokeeye oo halis ku ah inuu kala jarjaro dalkaasi sidoo kalana uu xasiloonni darro galiyo gobolka oo dhan.


Fallaagada ayaa dhanka koonfureed ee gobolkaasi waxa ay ka soo qaadeen guluf ku beegan caasimadda federaalka ee Addis Ababa, arrintaas oo ka caraysiisay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed - oo ku guulaystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize-ka horana korneel uga soo noqday ciidammada dalkaasi - arrintaas oo ku qaadday inuu jiidda hore ee dagaalka ku hogaamiyo ciidammada qaranka.



Xiisadda sare u sii kacaysay ayaa waxa ay ku dhalisay muwaadiniinta reer Galbeedka iyo shaqaalaha aan asaasiga ahayn ee ajaanibka ee Qaramada Midoobay inay dalkaasi isaga baxaan, iyagoo sheegay in xaaladda ammaanka ee dalkaasi ay ka sii darayso.


Markii uu dhammaaday dagaalkii sokeeye ee 1970-yadii iyo 1980-yadii, Itoobiya ayaa waxa ay noqotay mid ka mid ah dalalka Afrika ee uu dhaqaalahoodu sida degdega ah u kobcayo waxa ayna astaan u noqotay deganaanshiyaha gobolka.


Hasayeeshee colaadda ay dadka badan ku dhinteen ayaa haatan waxa ay ka soo baahaysaa gobolka ay Tigray-gu ku xooggan yihiin halkaas oo ah goobta uu dagaalku ka bilowday, iyadoo la isla soo galay gobolka Amxaarada ee waqooyi-galbeed iyo kan Canfarta ee waqooyi-bari.


Guulaha ay dhawaan ciidammada dowladda federaalku ka sheegteen jiidda hore ee dagaalka ayaanan wax badan ka badalin cabsida dagaalka sii kordhaya ee ay ku dhinteen kumannaanka qof ayna ku barakaceen malaayiinta qof.


'Soolaabashadii labaad' ee TPLF


Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay in weerrarka ay ku ekaysay dhinaca koonfureed ee gobolka Tigray ay ku doonayso inay dowladda federaalka cadaadis ku saarto inay go'doominta ka dulqaado gobolka Tigray, arrintaas oo xaddiday isgaarsiinta iyo galaangalka dadka deegaankaasi ay u leeyihiin gargaarka bini'aadamnimo.


Sikasta oo uu xaal ahaadaba, maamulka Abiy Axmed ayaa waxa uu fallaagada ku eedeeyay inay doonayaan inay si xoog ah ku badalaan rijiimka, arrintaas oo dib u soo noolaysay cabsida laga qabo in TPLF ay doonayso inay dib u soo laabato awoodda.


TPLF ayaa awood buuxdo ku laheyd siyaasadda Itoobiya muddo 27 sanadood ah kaddib markii kacdoon midka haatan oo kale ah ay ku ekaysay dowladdii shuuciga sanaddii 1991.


Xukunkoodu waxa uu horseeday maalgashi ballaaran oo dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah, taas oo sare u qaadday dhaqaalaha Itoobiya, hasayeeshee waxaa hareeyay cabburin lagu hayay shacabka iyo siyaasiyiinta.


Arrinta dambe ayaana horseedday dibadbaxyadii caanbaxay ee loogaga soo horjeeday dowladda ee awoodda uu kula wareegay Abiy Axmed bishii Abriil ee 2018 markaas oo uu soo bandhigay isbadello dhinacyada bulshada, siyaasadda iyo ammaankaba.


Markii ay cududda dagaal kala hortagtay dowladda, ayaa TPLF waxa ay samaysatay isbahaysi ay ku doonayso inay ku ballaariso awoodeeda dagaal ayna ku xoojinayso hufnaanteeda kaddib markii ay baritaareen dhowr xisbi oo ka soo kala jeeda qowmiyado kala gadisan oo ka soo horjeeda ra'iisul wasaaraha.


Hub uruursi isa soo taraya

Dagaalka ayaa bilowgii hore waxa uu u dhaxeeyay ciidammada TPLF iyo milateriga federaalka, oo ay baritaarayaan ciidammada gacansaarka la leh ee Amxaarada iyo ciidammada Eritrea.


Hogaamiyayaasha TPLF ayaa muddo todobaadyo gudahood ah xilkii loogaga tuuray, hayashee kacdoon ayaa ka bilowday qeybaha shishe ee gobolka Tigray, arrintaas oo sii xumaysay xaaladda bini'aadamnimo ee markii horaba liidatay. In ka badan 90% dadka gobolkaasi ku nool - ku dhawaad 5.2 milyan oo qof - ayaa waxa ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah, sida ay Qaramada Midoobay qiyaasayso.


Kumannaan qof ayaa waxa ay u qaxeen dalka dariska ah ee Suudaan - kaas oo laf ahaantiisa la daalaa dhacaya afgambi milateri.


Fallaagada ayaa bishii Juun waxa ay waqti ku habboon u qabteen dib u qabsashada caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle, markaas oo Itoobiya ay ka dhursagaysay natiijooyinka doorashadii la qabtay, iyagoo fallaagadu ay sidaasi u sameeyeen inay liidaan awoodda sharciyeed ee Abiy.


Xilligii ay fallaagadu xoogga ku galayeen gobollada ka baxsan Tigray, maleeshiyaadka gobollada qowmiyad ahaan la jira dowladda federaalka oo ay ku jiraan Soomaalida iyo Oromada, ayaa dagaalka ku biiray.


Ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa si joogta ah ugu baaqayay shacabka inay hubka qaataan oo ay ka hortagaan in fallaagadu ay samaystaan ciidammo adag oo sharciyad hela.


"Waa mas'uuliyad ina wada saaran inaan u dhimanno Itoobiya. Sidaas daraadeed, dadkayaga waa in haatan ay meel iska dhigaan arrimaha shakhsiyadeed oo ay si sharci ah isu abaabulaan oo ay la soo baxaan waxkasta oo hub ah oo ay heli karaan si ay uga hortagaan oo ay u aasaan argagixisada TPLF, kuwaas oo wada howlo kharbudaad ah," ayuu Abiy ku yiri bayaan ay tirtirtay shirkadda Facebook-ga 4-tii Nofeembar, iyadoo markaas lagu eedeeyay in qoraalkaasi uu kicin ahaa.


Wajiyo hore, iyo isbahaysiyo cusub

Hammiga waddaniyadda ee Mr Abiy ayaa waxaa loollan adag galiyay nidaamka federaalka Itoobiya ee ku salaysan qowmiyadaha uu muranka u dhaxeeyo, kuwaas oo lagu dhowray dastuurkii 1994. Walow uu isku dayay inuu tobannaan kooxood oo qowmiyado ku salaysan siiyo ismaamul sare, ayaa haddana qaar ka mid ah bulshooyinka laga tirada badan yahay waxa ay sii wadeen inay riixaan madaxbannaani ay helaan tan iyo markii uu awoodda la wareegay Abiy Axmed.


Bishii Agoosto, TPLF ayaa waxa ay isbahaysi la samaysatay fallaagada Ciidammada Xoraynta Oromada (OLA) oo ka soo jeedda qowmiyadda ugu badan dalkaasi taas oo muddaba ay liidayeen maamulladii hore ee dalkaasi.


Mr Abiy ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee ka tirsan bulshada Oromada ee qabta xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya.


Hasayeeshee kaddib markii dowladda ay xirtay dhowr siyaasi oo mucaarad ah oo muhiim ah oo ka tirsan bulshada Oromada, ayaa OLA waxa ay bilowday inay si xooggan u mucaaraddo ra'iisul wasaaraha.


Isbahaysiga ay OLA la gashay TPLF ayaa waxa uu horseeday in dagaalyahannada fallaagada ay qabsadaan magaalooyin muhiim ah oo ka tirsan gobolka Amxaarada - oo ay ku jiraan Kemise, Dessie iyo Kombolcha - xilligii ay ku wajahnaayeen magaalada caasimadda ah.


Dowladda Itoobiya ayaa muddo kaddib waxa ay ku dhawaaqday inay dib u qabsatay qaar ka mid ah magaalooyinka ay hore ula wareegeen fallaagada.


Dalabaadka wadahadallo aan hore u socon

7-dii Nofeembar, ergayga Midowga Afrika, madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo, ayaa rajo ka muujiyay in dhinacyada dagaallamaya ay wadahadal u furan yihiin.


Hasayeeshee fallaagada iyo ra'iisul wasaare Abiy ayaa sii waday inay isa sii colaadiyaan.

"Waxaa laga adkaaday milaterigii rasmiga ahaa ee fashiistaha. Sidaas daraadeed, waxa ay sugaysaa oo kaliya in la aaso sida kaligii taliyayaashii kale, arrintaasna dhawaan ayey dhacaysaa," hogaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa ku yiri bayaan uu soo saaray laba maalmood uun kaddib markii uu la kulmay ergayga Midowga Afrika.


Ra'iisul wasaare Abiy Axmed oo arrintaasi gaashaanka u daruuraya ayaa sheegay in fallaagada "dhawaan la dili doono".


Dhanka kale, waxaa wiiqmay cadaadiska gobolka iyadoo baaqyadii wadahadalka ee caalamiga ahaa lagu gacansayray oo lagu tilmaamay faragelin.


Dhexdhexaadnimada Midowga Afrika, oo fadhigiisu uu yahay Itoobiya, ayaa laf ahaanteeda su'aal la galiyay, kaddib markii bishii Agoosto war la soo dhigay barta rasmiga ah ee uu ururkaasi ku leeyahay Twitter-ka, kaas oo markii dambe la tirtiray, lagu dhaleeceeyay wadahadallada uu ku baaqayo Mareykanka.


Dibadbaxyo loogaga soo horjeedo Mareykanka iyo wadammada reer Galbeedka iyo warbaahinta shisheeya ayaa ku soo badanayay magaalada Addis Ababa iyo bulshooyinka qurba joogta Itoobiyaanka ah.


"Dadka doonaya inay gudaha dalkayaga wax noogu yeeriyaan oo ay nagu hagaan borobagaando dhaqaale, diblumaasiyad iyo warbaahin ama dagaal maskaxeed waxaa ka adkaan doona awoodda midaysan ee dadka Itoobiya," ayuu Mr Abiy yiri bishii Nofeembar.

BBC/SOMALI

Loading...
Loading...