Qarax Ka Dhacay Degamada Boon Dheere Ee Muqdisho
BBC: Gaari waxyaabaha qarxa loo adeegsaday ayaa lagu weeraray
bar kontorool oo ku taalla degmada Boon Dheere ee magaalada Muqdisho.
Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaas ka dhacay meel aan sidaa uga sii fogayn godka jilicoow.
Shaqaalaha gawaarida gurmadka degdegga ah ee Aamin ayaa BBC-da u sheegay in ay arkeen 10 dhaawac ah.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda balse Al Shabaab ayaa ku faanay qaraxyo badan oo ay ku nafwaayeen dad Soomaali ah.
Sources:BBC
Loading...
Loading...