Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalka Itoobiya Iyo Ra'iisal Wasaare Abiy Oo Xafiiskiisii Ku Laabtay

0
Thursday December 09, 2021 - 15:02:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalka Itoobiya Iyo Ra'iisal Wasaare Abiy Oo Xafiiskiisii Ku Laabtay

    "Dagaalka Itoobiya ayaa muddo sannad iyo dheeraad ah waxa uu ka soconayaa dalkaasi"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dagaalka Itoobiya ayaa muddo sannad iyo dheeraad ah waxa uu ka soconayaa dalkaasi"

Addis Ababa,- (HWN)- Ra’iisul Wasaaraha waddanka Itoobiya Abiy Axmed ayaa dib ugu laabtay xafiiskiisa kadib markii dhawaan uu ku sugnaa jiidda hore ee dagaalka ka dhanka ah fallaagada TPLF, sida uu baahiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya shalay oo Arbaca ahayd. "Waxaan dib ugu laabanaya xafiiska xilli aan si guul ah ugu soo afjaray wajigga koowaad ee dagaalka” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

 

Arrintani ayaa imaaneysaa xilli ciidamada Itoobiya ay magaalooyin muhiim ah ay ka qabsadeen maalmihii ugu dambeeyey ciidamada Gobolka Tigreega ee TPLF.

 

Dhinaca kale xoogagga Tigreega ee TPLF ayaa sheegay in ay xeelad dagaal darteed ay uga baxeen magaalooyinka ay dib u qabsatay dowladda dalkaasi iyaga oo sheegay in aanay wax khasaare ah oo badani dhinacooda soo gaadhin balse ay dagaalka ku jabeen ciidamada dawladda Itoobiya sida ay hadalka u dhigeen.

 

Magaalooyinka Kombolsha iyo Dissee ayay dib u qabsadeen ciidamada dawladda Federaalka Itoobiya kadib dhawr toddobaad oo dagaallo culusi dib uga dhex qarxeen labada dhinac kadib markii Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya uu furimaha hore ee dagaalka tagay isaga oo sheegay in uu xafiiska ka maamuli doono dhinaca furimaha hore ee dagaalka isaga ooh awl-qabadkii xukuumaddana muddo kooban u igmaday Ra’iisal wasaare ku xigeenkiisa.

 

Dagaalka Itoobiya ayaa muddo sannad iyo dheeraad ah waxa uu ka soconayaa dalkaasi Itoobiya iyada oo la sheegay in ay kumannaan kun oo qof ku dhinteen dagaalka halka ay ku dhawaad 4 Milyan oo qof ku barakaceen oo ay ku macaluulayaan dalkooda iyo dalalka Jaarka la ah.  

 

Xaaladda dagaalka Itoobiya ayaa laga dayrinayaa maadaama aanay wali labada dhinac midna muujin wax tanaasul ah oo ku aaddan xabbad joojin taa baddalkeedana dagaalku uu sii yeelanayo wajiyo qqawmiyadeed oo halis weyn ku ah dalkaasi in uu burbur laxaad lihi ku habsado.


Loading...
Loading...