"Jamhuriyada Somaliland Dan-Weyn Ayaa Ugu Jirta Haddii Taariikhaha Aasmay Dib Loogu Noqodo Ee Geeska Afrika Iyo Bariga Ba "
Kenya waxay ka hadlaysa Anglo-Italian treat (1927) ee British empire Kismaayo ugu gacan geliyey Talyaaniga.
Siddoo kale waxay Kenaya ku hanjabysa inay dagaal ka xigta go,aan kasta oo ka soo baxa Maxkamada Reer Yurubka ee Afrikaan lagu xukumo ee loogu yeedho (International criminal justice) ee fadhigeed yahay Hague-Netherland).
Waxay kale oo ku doodaysa Kenya inay soo foodsaari doonto Cuna-qabteyn ah xagga badda ah halkaan ay baad siindoonan Wadamadak Bariga Afrika dhamaantood Soomaliya.
Isagunna Arinka waxa sii adkeynaa Xeerka Shidaalka ee Soomaliya Maanta ka , Ansixisay Golaha Wakiilada ee Shatci-dejinta ugu magaacaban Dowlada Soomaliya.
.
Iyadaan olole kale oo aad u muhiim ah ayeey doonaysa inay qadiyada Badda ka gasho ayadoo u dan leh si kastoo ay isku hortaagi karrto, waxayna ka dhigaya qadiyad aan kaligeed muhiim u aheyn Bariga Afrika oo dhan u muhiim ah wadamada ay codkooda iyo tageeradood qabto inay hanna too waxa ka mid ah Uganda Rwanda Dr Congo South Sudan iyo Ethiopia oo intubba wax kala soo dega dekedda Mumbasa iyaddo Kenaya ku macneynaysa in halis weyn oo dhabar-jab ahi kagaga soo fool-leedahay arinka badda ee Muranka ku jira . Waxa kale u cadeyn ah in Xidhidh ka Kenya iyo Soomaaliya inuu u jeedo dhinac qaloocan billo ka hor ayeeyna aheyd markii Kenya si badheedh ah u soo dirtay Safiirki Sooamliya u joogay Nairobi halka loo Kenya Mogadishu ay u yeedhan in inkastoo ay ka cudur daarteen sidda Safiirka soomaliya u fahmay hadalood la soo xigta ay siiyeen aheyd tallo inuu la soo sameeyo dawladiis.
.
Waxa soo if baxaya ayaamaha igu danbeeye in Kenya ku dhaqaaqdo Arimo hore Wada-hadal iyo xaagoodba la ga gaadhay inay halkoodii hore ku soo celiso oo ay u danbeysa ta shalay ku dhacday Masuuliyinta Soomaliya ah ee Kenaya Visa ku galka loo diiday walina ku xaniban Garoonka Diyaradaha ee Wajeer sidda war-fidiyeenadu soo gudbiyeen.
Isku soo wadda Udub arinku waxa uu noqon karra mid ka sal balaadha sidda Soomaliya u heysato isla markaan keeni karra xagal-daac weyn oo dalalka isku teedsan, markaan xududaha iyo ganacsi xoog leh wadaaga lihi ay is kaashadan halkaanna lagu go,aan qaato in soomaliya lagu foorariyo sidii dhacayday hore ee Dagaalkii 1977 dhexe maray Jamhuuriyada Dimuquradiga Somaliyeed iyo Itoobiya ee dhamaan Wadamada iyaga ahi kula talinyeen Mareykan ku inaanu si dhab ah hub iyo taageero buuxda u siin Dawlad soomalida ee Ciidamdu aheyd Hogaanka hayeen , Sidiina ay dhacaday halkaan Soomaalida laggu jabiyey akhirkii dhaawaceedii iyo Meydkeeba ay hadh-galey ka soo carartay , Dhulkii la doonayey in la soo dhiciyan isagganna halka lagga tanaasulay igu danbeyntii.
.
Arinka kale dhici karra in Soomaliya loo xukum halkaan Kenya waxa ay sheegayso nooca doono ha noqdee ay ku dhaqaaqdo ka dib la arko sidda Soomaliya u wajahdo wax kastuu madax la gallo muranka badda in dhaweyd soo cuboonaaday. Kenya waxy kale aad iyo aad qalbiga iyo quluubta ku heysa Soomalida dhaqaalah xoog leh ku heysta oo ku noqon karra mid af-leh oo galkeed ku jirta oo Keyan, gudaheed taal, inay u fekerto siddii ay uga takhalusi lahayd waa mid meesha ku jirat , sababtunna waxa ay tahay dagaalku waxuu ka bilaami karra gudaheed haddii xaalka uu qadhadhado oo ficil qaadi-taan yimaado .
.
Ta ugu yare e cadadis iyo dhib soomalida hantida ku leh ugu filan waxa ay tahay ayadoo ku dhaqaqda baadhi-taano aan sal iyo raad lahayn iyo lacago lagga xanibo Soomalida mid ganacsi leh iyo mid kale ba ,waxanna dhici karrta inay sii kala saarto Soomalida laftigeed waxii Soomaaliya ka yimi ay gaar u la baxdo waa mid iyadun imina karta ileen waa iska garanysa Soomali marka wax dhacaan waa la sii kala gura oo waa mid soo jireen ah .
Xaladaha qalafsni hadii ay noqdaan inay dhaqaan waa halka Jamhuuriyad Somaliland ka helayso fursad waan ta "odhaneysa waxa Jamhuuriyad Somaliland qaddo- ugu jirta qayladda ka dhex aloosmi karta Soomaaliya iyo Kenaya waa haddi ay adkaato , waxa si yar ku hirgeli kar in qun-siliyadii in dhaweyd ba la hadal heynteda Jamhuuriyad Somaliland gudaheed laggu hayey hirgasho waxa kale iyaduna helaya in Kenya furto iridaha Xidhidhka cusub oo Siyaasdeed dhexe mara Jamhuriyada Somaliland ugu yaraan doodaha ay xoojiso iyo Passpork oo ogolaato koleytab wax lagga waayi mayo gowska iyo Yaalka lagu saxo halganka qadiyada ku qotomma.
.
Haddii Xaladuhu halka ay ka kudaan waxa is fur furaya wadooyin farro badan iyo wax yaabo ay kow ka noqonayso in Kenaya ku dhaqaaqdo wax kasta oo ay dhib amma dhaawac ugu geysan karto Soomaliya Dawladnimadeed waxayna kaalin weyn ka qaadan karta qaadiyad Jamhuuriyada Somaliland iyo ummadded aadna in badan Wadmada Geedka Afrika iyo Bariga Afrika ay ka gows-adeygaayen amma iska idho-tireen waxanna dhici karta inay go,aan dhiiran gaadho Kenya si lama filaan ah halkaanna Siyaasadda Afrika wax weyn ka bedel ,waanna sidda aanu jecelahay haddi aanu nahay Jamhuuriyada dadkeeda ee .
.
Alle khayr ha ka dhigo arimhu waa u baahan yihiin in wax uun meel ka dhaqaaqan , soomaaliya iyadun ma qaadi karto haraan kale iyo qadaadi Ummmadeed soo food saare
Fikrad iyo aragtida Xort ah ee muwaadinak jamhuuriyad Somaliland .
Abokor I Mohamud
Waa Billahi Towfiiq
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!