Muuse Biixi Oo Mus-dambeedka Beelaha Bariga Burco Isku Dhaafiyey Qorshe Lagu Kala Reebo Wasiirrada Ku Hirdamaya KULMIYE

0
Thursday December 09, 2021 - 14:51:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1923
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Mus-dambeedka Beelaha Bariga Burco Isku Dhaafiyey Qorshe Lagu Kala Reebo Wasiirrada Ku Hirdamaya KULMIYE

    "Wararkii ugu dambeeyey ee la xidhiidha tartankii u dhaxeeyey labadan Wasiir ayaa sheegaya in ay soo baxayaan..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wararkii ugu dambeeyey ee la xidhiidha tartankii u dhaxeeyey labadan Wasiir ayaa sheegaya in ay soo baxayaan..."

Hargeysa, - (HWN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa tartankii u dhaxeeyay Wasiir Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiir Xasan Maxamed Gaafaadhi waxa uu isku dhaafiyey dhinaca Madax-dhaqameedka iyo Mus-dambeedka Beesha ay labadan wasiir ka soo jeedaan si ay isugu soo dhaweeyaan una kala reebaan inta aan la gaadhin wakhtiga kama dambaysta ah ee xisbiga KULMIYE ku dhawaaqayo qabsashada shirweynihiisa.



Wararkii ugu dambeeyey ee la xidhiidha tartankii u dhaxeeyey labadan Wasiir ayaa sheegaya in ay soo baxayaan waanwaan la sheegay in lagu dhex galayo si ugu dambayn mid ka mid ah labadooda loo tanaasuliyo oo ay isugu hanneeyaan kursiga loollanku ka dhaxeeyey ee uu mid kastaaba u taagnaa in uu u tartamo marka la gaadho shirweynaha xisbiga KULMIYE. Ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo u dhuun daloola arrinta Musharraxnimada Maxamed Kaahin Axmed iyo Xasan Maxamed Gaafaadhi ayaa waxa ay wargeyska Foore u xaqiijiyeen in guddi madax-dhaqameed ah oo ay hogaaminayaan salaadiinta ugu waaweyn Beesha Bariga Burco ay qorshaynayaan kulan ballaadhan oo ay isugu keenaan Labadan wasiir ee hore u shaaciyey hankooda siyaasiga ah ee ku aaddan hanashada Guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE.


Waan waantan laga dhex bilaabay in lagu kala reebo labadan Siyaasi ayaa ku soo beegmaysa kadib markii ay dhawaan qasriga Madaxtooyada kulan ballaadhan ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo badiba madax-dhaqameedka Beesha Bariga Burco taasi oo sida wargeyska Foore xogtan ku helay la xaqiijiyey in Ajandayaasha kulankaasi lagaga wada hadlay ay ka mid ahayd soo jeedin ka timid Madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku codsaday madax-dhaqameedka beesha Bariga Burcoba uu kaga dalbaday in ay qaadaan tallaabo kama dambays ah oo ay ku kala reebaan Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE Mujaahd wasiir Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Siyaasi Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi kuwaasi oo labadooduba wakhtiyo kala duwan dhawaan ku dhawaaqay in mid kastaa u taagan tahay Musharraxnimada Guddoomiyaha KULMIYE marka uu xilka banneeyo Guddoomiyaha wakhtigan ahna Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.


Dhinaca kale Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo isagu maalmihii ugu dambeeyey safar shaqo ku jooga Gobollada Bariga dalka ayaa la xaqiijiyey in uu aad ugu adag yahay in laga reebo sida uu ku doodayo Wasiir Xasan Gaafaadhi oo uu isagu uga mudan yahay marka la eego mansabka ku xigeenkiisa koowaad, muddoda uu xisbiga ku soo jiray iyo xujooyin kale oo dhinaca deegaankiisa ah waxaanay wararka xaaladan la xidhiidhaa sheegayaan in qaar badan oo Madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiinta beesha Bariga Burco ahi qabaan aragtida Maxamed Kaahin ee loo tanaasulo ah.


Isku soo duuboo lama oga kulanka ugu horreeya ee xaaladdan lagu gorfayn doonaa wakhtiga uu qabsoomayo iyada oo loo badinayo in uu wiiggan ka dhaco magaalada Hargeysa iyada oo aan la ogayn tallaabada uu qaadan doono wasiirka Caafimaadku haddiiba isaga lagu ciiro oo laga dalbado in uu tanaasulo.

Loading...
Loading...