Dr. Baadiyow Iyo Cali Mahdi : Godobaha Ay Soomaalilaan ka Galeen
Waxa la is-weydiiyey
maxaa taariikhaha loo darsaa? Waxa ay jawaabtii noqotay in lagaga baydho wixii
hore loo khalday in aan dib loogu noqon. Tabtaasi inaga oo ka duulayna, labadan
siyaasi oo isku deegaan hoose ka soo wada jeedaa waxa ay galeen gefef taariikhi
ah oo weli ku suntan bogaga taariikhaha Soomaalilaan.
Cali Mahdi AHN: Wuxuu
ahaa shaqaale dawladeed, gaar ahaan wasaaraddii caafimaadka sannadihii
1970-naadkii. Ka dib wuxuu u wareegay inuu noqdo ganacsade, oo uu ku jiray ilaa
1980-maadkii. Wuxuu lahaa hudheel caan ka ahaa magaalada Muqisho. Wakhtigii uu
soo dhawaaday inay ciirciirto dawladii MSBarre, ayuu bilaabay inuu magaalada
Muqdisho ka sameeyo kooxo u abaabulan inay kursiga sii qorshaystaan markuu
dhaco MSBarre. Waa kooxdaasi loogu wanqalay Manafeesto. Waxa ay Manafeesto soo mudh-baxday
horraantii 1990-kii, wakhtigan ayey jabhadii USC ee uu hogaaminaayey Janaraal
Caydiid ee SNM ay ka abaabushay magaalada Balay-gudable ay dagaal ka waday
gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Waxa maskaxdiisa
gashay siyaasadda wakhtigan caan ah ee ku qabso ku qadi mayside. Iyada oo
Janaraal Caydiid halgankii lagu kicinayey MSBarre wada ayaa dawladu loogu soo
cumaamaday magaalada Jabuuti. Waraysi ay la yeelatay laanta af-soomaaliga ee
BBC ayuu ku sheegay hadal nuxurkiis ahaa " In halgankii xukunka MSBarre dalka
laga xorraynayey uu ka soo bilaabmay gobollada dhexe ee Soomaaliya”. Wuxuu toos
ugu gefay halgankii ugu mudada dheeraa ee ay SNM kula jirtay taliska MSBarre oo
socday muddo dhan sagaal sanno ah (1982---1991). Janaraal Caydiid wuxuu la
dagaalamayey taliskii Af-weyne 8 bilood. (8/7/1990 illaa 20/2/1991). Iyada oo
ay reer Soomaalilaan gefkaasi ka tirsanayaan, ayey dawladiisii u soo guurtay
magaalada Muqisho, waana kii dagaalka sokeeyey ka bilaabay Muqdisho ee yidhi
Caydiid gobollada dhexe ayuu ka yimid, aniguna Muqdisho ayaan u dhashay.
Dr. Baadiyow: Waa nin ka tirsanaan jiray ciidankii
Soomaaliya ee xoogga, waxaanu waxbarasho u tegay dalka Ukrayn. Ka dibna
jaamacadda Gahayr ayuu macalin ka noqday. Wixii intaa ka dambeeyey wuxuu u
leexday inuu xubin ka noqdo urur diimeedka Al-Islaax oo uu ka mid ahaa
aasaasayaashii. Ururkaasi wuxuu bahwadaag la yahay ururka Ikhwaanu Muslimiin ee
haatan siyaasadda faashil ku noqday. Aakhirkii wuxuu shaahada PHD ku diyaariyey
cilmiga Taariikhda. Dhawr sanno ka hor waxa lagu xidhay garoonka diyaaradaha ee
IFK ee magaalada New York, iyada oo loo haysto falal argagixiso. Waxaana loo
mastaafuriyey dalka Kenada oo uu dhalashadiisa haysto. Maraykanku wuu ka
mamnuucay dalkiisa.
Shaki kuma jiro inuu
aamisan yahay fikirka gaboobay ee carabta lagaga dawrsan jiray kumanaan sanno
ka hor ee ah in ciddii la fogaynayo lagu shaabadeeyo wuxuu xidhiidh la leeyahay
Israa’iil, iyada oo la ogyahay inay Carabi u kala badiso la xidhiidhka
Israa’iil iyo Maraykan. Qoraal af-carab ku qoran oo dhawr bogg ka kooban oo uu
qoray sannadkii 1991 wuxuu ku sheegay in gooni-isu-taagga Soomaalilaan ay ka
dambaysay Israa’iil oo ay u soo dhexmartay Itoobiya. Qoraalka ma wato caddaymo lagu qanci karo oo
ku muujinaayo sheegashadiisa, waa se male awaal uu jaamacadda Carabta lacag
kaga doonayey wakhtigaasi. Joseph Geobles wasiirkii warfaafinta ee Naasigii
Jarmalka ayaa laga soo xigtay inuu yidhi” ku celceli beenta ilaa la rumaysto.”
Malaha sidaasi ayuu uga socday qoraalkiisa.
Waa godob uu ka galay qaran dhan oo aan meelna u soo marin inay Israa’iil wax u yeedhiso. Gooni-isu-taagga Soomaalilaan waa shay ku yimid wadatashi ay yeesheen shicibka Soomaalilaan ka dib markii ay SNM dalka ka xorraysay taliskii uu askariga u ahaa Baadiyow. In badan oo ka mid ah shicibka Soomaalilaan ayaan hore u ogeyn qoraalkiisaa, hasayeeshee dhawaan ayuu mar kale ku celiyey inuu weli fikirkaasi qabo. Haatan wuxuu xubin ka yahay guddiga wadahadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya. Qoraalkiisaa uu ku sheegay in gooni-isu-taagga Soomaalilaan ay yuhuudi ka dambaysay waa godobtii labaad ee gasha baalasha taariikhda Soomaalilaan ee uu galo siyaasi ka soo jeeda Muqdisho
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!