Guryo-Samo Iyo Lama Dego Ummadu Ha Kala Doorato ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday December 08, 2021 - 07:50:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Guryo-Samo Iyo Lama Dego Ummadu Ha Kala Doorato ( Abdi-Shotaly).

    N.B Laan Daaqa Geeluba,Lebiggii Jarka U Dhaw, Intuu Laac Is Leeyahay, Saw Looli Kama Dhaco!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

N.B Laan Daaqa Geeluba,Lebiggii Jarka U Dhaw, Intuu Laac Is Leeyahay, Saw Looli Kama Dhaco!

    Muwaadin ilayn indhgo li'i iyo dhego li'i la iskama socdee, waa in aad wax kala ogaataa, oo aad xaqiiq-dda is taab-siiso'e, weli ma is weydiisay waxa aad ku kala dooranayso " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Cabdiraxmaan Cirro?" Bal hadda u fiirsadda, labada-ba halkan bana sooyaal-kooddii taariikheed kuugu soo gudbinayaa. Askarigu khibradda uu leeyahay ee keliyi, waxa weeeye, Digtoonawe, dib u jeeso iyo horey soco, hadal ha igu soo celin, amar qaado, xidha waxa buu iga sheegaye, yaan runta la ii sheegin. maskax-na way kala socdeen, wax ma dhegaysto, oo wuu faruur xidhan yahay, isagaa u aabo ahaa Dagaalkii maryo alool, kala dilka iummadad, oo colaadaas dhex dhigay, aqoon wuu ka madhan yahay, weliggii xafiis ma uu ka shaqayn, mana macno garanaayo, ma jirto qas mooyee wax kalae oo uu garanayaa, akhriste ku taamilo qaado wixii uu ku sameeyey  Abdrihman Ahmed Ali ( IHUN), Mohamed Xaaji Ibraahim Cigaal (IHUN), Daahir Riyaale Kaahin, AHmed Siilaanyo. mwaa taas taariikh-diisu. Cabdiraxmaana kun xafiis oo siyaasadeed buu so maray, oo akhristaw kala duwan. Wuxu ahaan jirey Xog-hayaa qaybta afrikaanka ee Wasaaradii arimaha  Debedda ee Af-weyne, waxa uu noqday qusulkii Somaliya ee Safaaraddii Ruushka, waxa kale uu ahaa mudo 15 sano ah Gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland, wuxu   Musharax madax-weyne ka noqday, oo uu u ahaa Xusbiga Ucid mudo aad u fara-badan, ka dib markii uu guulaysan waayey laba jeer Xusbiga Ucid.  Wuxu asaasay ururkii Waddani, wuxu ka qayb galay furistii ururadda ee uu Axmed Siilanayo xadhiga ka jaray, halkaas oo uu ku guulaystay in uu ka mid ahaado 3ddii Xusbi ee soo baxay, kuwaas oo kala ah " Qudhmiyahan maanta, Ucid iyo Waddani" Waxa uu siyaasigani ku guulkaystay in uu hello doorashaddii ugu horeysay 44% iyadda oo weliba la boobay, oo loo adeegsaday awood dawladeed, waa sidda uu sheegay Mudane Maxamuud Xaashiye, Waxa la yidhi " Guryo-amo iyo lama dego" Mid-na magaciisa baa lagu degaa, mid-na lagaga guuraaye, Illaahay-ba ma simin labadan ee kala dooro.

 

 

    Reerkii layli dhaan-saddaa isaga baa isugu wacan wixii gaadha, sidoo kale Ummad yahay, wixii idinku dhaca ogaadda idinka baa isu geystaye. Waa hadii aad doorataan Asakriga " Raggii ma adiga aka hadhay" Ratigaan hayin ahayn, aqalkuu ridaayoo, rarka lama dul saaro, ilayn waa buubaal oo wuu burburi-nayaa xakabka, waxana ka dhasha in reerku bilaa guri noqday, waa ta ina haysata'e, oo dabaylaha iyo dayro dhaaf-yadda dhaxamuhu ka helaan banaanka, inta maatadda ahina uguba dhamaato. Waxa cayn-kaas ka dhigan kan af-marooshe oo madaxa madhani iska dul saaran yahay, waa ka askariga wajaqsan ee la yidhaaho" Raggii ma adiga aka hadhay" Marka meesha kaasi hor geblay-naayo, kuwa wax ka sugayaa, ee rajo ka qabaa saw kama sii liitaan, ilayn waa maskax-daynu naqaanaye. Xikmad carbeed baa waxay tidhaahaa " Idal-maniyatu anshabat anyaabi-haa aw ad-faarihaa, al-faytul kuli tamiintu laa tanfac" oo micna-heedu yahay " Haddii geeridu miciya-heedda kugu soo taagto ama cidiya-heedda, qardhaas laguu qoro iyo quraan lagugu akhriyaa-toona, mid-na kuma anfaco" aan kuu soo koobee, waxa sidaas ka dhigan, wixii beri hore loo yiqiinay ama la odhan jirey Somaliland, oo gorey-gu ka hadaafay, intii uu xukunka boobay geb-geb-laha " Xaafad-tooyadda" Hantidda ummadda ku futeeyaa. Ina Cabdale xasan baa wuxu yidhi " Caamir waa saleelee, annaa haatan caymadiye" Somaliland dambe oo aad maqalaysaa waa habeenkii xalay ahaa oo dib u soo noqday, ee yaan loo fadhiyin. waa khiyaali iyo riwaayad aan meel-ba jirine.

 

    Hees qaraami ah, baa waxa murtidda ku jirta ka ma ahaa  " Geedkii ka magoola meel gebiya-ba, malagu geela waa ku madhin jirey, ee wad-kayggii dhunkaal ma muud-saday. Meeshii baaba'aysa kaas oo kale baa loo soo diraaye, Allay-lehe Hoos madoobe aan lagu soo dhawaan baa u baxay, oo weliba inta lagu naas nuujiyaa xoolaha ummadda laga dhacaayo, kuna dhereg dhacsadda, waxa intii kale ka bakhti-yeyso, ee ay doox-yadda xashiishka ka guranayaan, taas oo ay in gaar ahi ugu sacab garaacayaan ( Calaa-shaan ayaxa meesha ku habsaday baanu isku isir nahay), sidaas iyakoo misna ku duminaaya, bay kuugu sakhira-yaan mucaarid baa duminaaaya iyo beel heblaayo baa Koonfur inagu wadda, iyaka oo ah kuwa caynka iyo bayda-ba u gooyey, Kiiniya kula kulmaayey Axsaabta mucaaridka ah ee Somaliya, ku dhoofa Baasaboorka Farmaajo, oo weliba Hargeysa guda-heedda laga qaato, aynu runta isu sheegno'e, maxaa la isu yeell-yeelayaa? Oo kii kaba kala baxay uu meel kale farta ugu fiiqayaa?

 

    Hees kale baa iyana waxay ahayd, oo murti-deedu ina odhanaysaa sidatan " Laan daaqa geeluba, lebiggii jarka u dhaw, intuu laac is leeyahay, saw looli kama dhaco" Markii la curyaamiyey, waa taas ka booday gabaa-hirigta aanay dib uga soo laab-mayn, ee loolidda gebi-yaddii Daallo iska shubtay, in ay mar kale dib uga soo ruqaansato, xabaasha askartu ku riday, iyana waa dunidan oo ilaahii lahaa, uu imika mar keliya dib u soo nooleeyo, hadii aad fartaadda ku ciil bixi waydo oo aanad u foodin Xusbiga Rajadda Shacabka ee Waddani marka haddii alle yidhaaho la gaadho Noofambar 22022-ga, ma jirto nolol inoo hadhay, taas oo ah wax aan dhici karin inta ka horeysa. Waxan ku soo xidhay qoraalkan, haduu ku maraayo iyo hadii kale-ba, oo aanad ka mid ahayn inta xeeedhadda malabka ah ku dhex dabaala-naysa, runi waa taas oo kuwii qoobabka jaray ee cuqda-daysnaa, baa aboor-ba-aboor u dhiibayaa. Hadaad doonto iska dhega tir, laakiin waxay tahay xaqiiqdu " Shan iyo sodon milyan oo doolar" ( $35 Milyan doollar), baa mudo afar sano ah ku bixisay EU-du biyo gelinta Hargeysa), laguna hagaaji-naayo ceelalkii geed deeb-leh, kuwo cusub-na lagu qodaayo. Kii la odhan jirey "Af-dulaaq " baa jeebka ku shubtay iyo inan-kiisa uu uga dhigay injineerka, waa siddii uu gacanta ugu soo gelin lahaa xisaab-taas, ilayn muwaadin tuug-tuug buu ku xil qarsadaaye., waa ta asakriga beertii uu ka boobay Cismaan dacas looga taagay afarta riig, bal hadda eega ummad yahay, Ka weli idin leh i doorta, waa kaas, ee meel kasta doonayaaya in uu isgaa iyo qoys-kiisu uun ka ceeshaan.

 

    * N.B Laan Daaqa Geeluba,Lebiggii Jarka U Dhaw, Intuu Laac Is Leeyahay, Saw Looli Kama Dhaco!

    Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...