Heerarkii Ay Soo Martay Xuska 18 May (1991- 2019) Maxaa ku cusbaa sannadka

0
Wednesday May 22, 2019 - 08:39:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heerarkii Ay Soo Martay Xuska 18 May (1991- 2019) Maxaa ku cusbaa sannadka

    Tan iyo maalintii lagu dhawaaqay gooni isu taagga Somaliland 18 may 1991,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo maalintii lagu dhawaaqay gooni isu taagga Somaliland 18 may 1991, waa la xusi jiray 18 may hadba si loo xusoba,iyadoo ay markasta kala duwanayd duruufaha lagu jiray xagga dhaqaalaha,moralka,iyo farsamo intaba,



Haddaba sanadkaas Magaalada Burco lagaga dhawaaqay,in goboladii Woqooyiga Somalia,horena Loo odhan jiray British Somaliland Protectorate ama maxmiyadda Ingriiska ee dhulka Somalida ay soo ceshadeen xornimadii 1960 ay la midoobeen Somalia oo ahayd 18 may 1991, Magaalooyinka Somalilnd intooda badan waxa ka muuqday Bur bur xatta goobta shirku ka socday oo ahayd School way dunsanayd.waxa shirka gadhwadeen ka ahaa Jabhaddii SNM iyo madaxdeedii sida C/raxman Axmed Cali iyo Xassan Ciise Jamac, kuwaas oo isugu yeedhay guud ahaan madax dhaqameedka Somaliland ka dib markii uu dhamaaday dagaal 10 sanadood socday dalkuna xoroobay.


Sanadkaas sanadkii ku xigay 1992 waa la xusay Waxana ka qayb qaattay Qaybo ka mida Ciidankii jabhadda oo qaabkii Jabhadnimo ee dalka lagu soo galay ah,waxay gaardis ku mareen halka ay ahan jirtay wasaaradda Arrimaha Gudaha,iyagoo dirays kala duwan iyo qalab kala duwan sitta,waxana Salaanta qaattay C/raxman Axmed Cali oo madaxweyne ahaa iyo wasiiradidiisii oo ay ka mid ahaayeen Galbeedi, Siciid maxamed Nuur,Axmed jaambiir,dixood,sheikh yusuf sh,madar,sheikh mataan al-Humaami iyo qaar kale waxayna Fuushanayen Fooqqa Arrimaha gudaha qaybta sare ee Balcony loo yaqaan.


Sanadkaas sanadkii ku xigay1993,lama Xusin waxa lagu mashquulsanaa shirkii Boorame oo lagu soo dhisayay Xukuumad Cusub,maadaama Xukuumaddii C/raxmaan Axmed Cali wakhtigu ka dhammaa,waxana lagu soo Doortay Madaxweyne Maxamed X,Ibrahim Cigaal


Sanadaha 1994,1995,iyo 1996 lama xusin oo waxa ka dhacay waddanka nasiib darro Dagaallo sokeeye,sidaas darteed may suurto gelin oo dadkuba moralkoodu muu wanaagsanayn.waxana jirtay kala qaybsanaan.


1997,1998 iyo 1999kii, ayaa 18 may qaab dabaal deg loo xusay,waxa ka qayb qaattay qaybo ka mida Ururada Bulshada iyo Ciidamada oo markan "Abaabul ka saar” lagu sameeyay iyadoo qaabkii jabhadnimo looga guuray qaab Ciidan caadi ah,iyagoo wattay gaadiidkodii dagaalka oo aad u badan isla markaana la midaysan yahay,oo laga soo doogay qul qulatooyin iyo mashaakil badan.


Sannadkii 2000 iyadoo loo diyaar garoobayo xuska 18 may,ayuu Madaxweyne Cigaal joojiyay,waxanu ka dhigay qaab xafladeed oo khayriyadda la isugu yimaaddo halkasna khudbado laga akhriyo maalintaas Madaxweyne Cigaal Wuxuu yidhi”Ciidankeenna ma soo marin doono dabaal degga 18 may waayo,waxa qaabkan isticmaala dalalka reer bariga ee shuuciga u badan,badanaa waa dalalka aan isku kalsoonayn ama ay cabsi hayso” sidaas ayaa lagu joojiyay dabaal deg danbe laba sano oo cigaal sii hayay 2001-2002 oo uu geeriyooday isla bishii may 03/05/2002.


Waxa la wareegay Madaxweyne daahir Rayaale kaahin Sideed sanadood oo uu hayay,waxa uu raaciyay siyaasaddii Madaxweyne Cigaal jeexay waxa loo xusay qaab xafladeed oo la isugu iman jiray Khayriyadda ama Beerta Xorriyadda iyo casho sharaf habeenimo sidaas ayayna ku dhamaatay,


Waxa la soo gaadhy 2010 oo Madaxweyne Axmed Silanyo Xukunka Qabtay iyadana Sandkii Hore waxa loo xusay qaab xafladed,hase ahaatee Sanadihii ku xigay ayuu Madaxweyne Silanyo sare u qaaday oo uu ka dhigay qaab bandhigeed, "isago dabcan u daliishaday in inta siyaasad la isku hayo Somalia oo aan ogolayn jiritaanka Somaliland in dhoollatus uu yahay lama huraan. iyo inay tahay lama huraan in dadka la xusuusiyo muhiimamadda ay leedahaya maalinta gooni isu taaggu iyo inaan la illoobin dhibta loo soo maray in la soo gaadho halkan” Sidaas darteed ayaa loo xusay 2012,2013,2014,2015,iyo 2016 Si wayn oo dhamaan ciidamada qaranka iyo qaybaha bulshadu ka qayb qaatteen,waxanu madaxweyne Silanyo salaanta ku qaattay madaxtooyada horteeda,halka sanadkii 2017 loo baajiyay abaaraha dalka ka dhacay dartood waxana lagu beddelay in dhaqaale loo guro dadka abaaruhu saameeyen.


2018 iyo 2019 oo ah tan hadda aynu joogno ah, oo uu talada dalka la wareegay Madaxweyne Muuse biixi ayaa si aad u heer sarraysa loo xusay 18 may iyadoo uu madaxweyne biixi kor u qaaday Moralka Ciidamada iyo qalabkooda oo isu dhan oo la odhan karo waa "standard” kii u sareeyay marka laga eego xagga protocolka iyo kala danbaynta,waxa sanadkan ku cusbaa tribune u khaas ah oo loo dhisay 18 may oo aad loo qurxiyay oo madaxweyne Biixi iyo marti sharaf badan oo xukuumadda iyo ajaanib ahiba ay fadhiyeen. Waxa kaloo ku cusbaa ardayda shaqo qaran oo qaab ciidan u soo tabobartay, halkaas oo ay iyaguna kala qayb qaadanayen Ciidamada qaranka ee kala duwan,dadweynaha degmooyinka caasimadda,ardayda jamacadaha iyo qaybo badan oo bulshada ka mid ah ayaa iyaguna halkas wacadaro ku soo bandhigay,sidaas si lamida ayay magaalooyinka jamhuriyadda Somaliland looga dabaal degay.


Ugu danbayn waxan leeyahay 18 may waa maalin ku suntan dhiigga dadka reer Somaliland,waa maalintii qaranimada iyo gooni isu taagga Somalilnd,waa maalintii heshiiska beelaha reer Somalilnd gees illaa gees maalin muran la gelin karo maaha.


Wa bilaahi towfiiq

Rashiid odowaa

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...