Quus Ma Joogto Duniduye,Qaybteenu Way Imane.Ha Qawadina Waayaha.

0
Wednesday December 08, 2021 - 07:46:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Quus Ma Joogto Duniduye,Qaybteenu Way Imane.Ha Qawadina Waayaha.

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B].

 Tu khaasa ahna bahda H/W iyo akhristayaasha.

 

1-Quraacdiisu malabiyo,Qunbe subaga kay tahay,

  Qadadiisna kurus tahay,Qayilaada dabadeedna,

  Qudhqudhshe karur dhama,Qatana miyu garan,

  Qaybtase eebbe weeyo,Qofana xoog kumu helin,

2-Qaladse wuxu ka jooga,Qaranimo dal sheegtoo,

   Quud shacabku goyn Karin,Qiima barar daraadi,

   Quwadii soo koraysiyo,Qaxayaan dadweynuhu,

   Qaarkood xamar u goosteen,Qoorta gooyahodi.

 3-Quus ma joogto duniduyoo,Qaybteeni way iman,

   Qoor qabasho qooley,Biyaha kuma qudhqudhse,

   Quruxda iyo xornimaduba,Qorshe eebbe weeyo,

   Qaadirku siiyey aadmiga,Qofna qof loogu dhiibin.

 4-Qawl kalena madaxdiyo,Qoonka taajiriinta ah,

    Qiyaamaa denbeeyoo,Qofna dhuman maayee,

    Qasaarena inaga jira,Qiimahana qafiifshoo,

   Qaar dhima cashura,Qaali suurtuyay noqon,

 5-Qaanba haygu noqote,Qormadan waxan ku xidhaya,

    Qalin iyo waraaqaa,Qoorteenan sudhanooy,

    Qoraysaa malaa’igi,Qiyaamaha ina sugayee,

    Qofna kama baxsanayee,Qorshahana ha lagu daro.

                                                                      Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...