Dowlada Itoobiya Oo Faahfaahin Ka Bixisay Khasaaraha Ay Geysteen TPLF

0
Wednesday December 08, 2021 - 06:27:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Itoobiya Oo Faahfaahin Ka Bixisay Khasaaraha Ay Geysteen TPLF

    "Waxay geysateen khasaare weyn oo soo gaaray hanti gaar ah iyo mid guud"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxay geysateen khasaare weyn oo soo gaaray hanti gaar ah iyo mid guud"

Afhayeenka Ra'isal wasaaraha Itoobiya Bilene Seyoum ayaa sheegtay in jabhada TPLF ay khasaare naf iyo maalba ah ka gaysteen gobolada Canfarta iyo Axmaarada.



"Waxay geysateen khasaare weyn oo soo gaaray hanti gaar ah iyo mid guud, dad badan ayaa ku naf waayey," ayuu Bilene ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay maanta


Tusaale ahaan, afhayeenka rai'sul wasaaraha ayaa weriyayaasha tustay sawiro muujinaya burburinta hanti ee ciidamada TPLF ay ka geysteen gagida dayuuradaha ee, Kasagita, Debre Sina, Shoa Robit, Gashena iyo Lalibela.


Sawiradan ayaa muujinaya burbur loo gaystay guriyaha sida gaarka ah loo leeyahay, bangiyo, ganacsiyo iyo xarumo caafimaad.


Burburka hantiyeed ka sokow, waxaa jira calaamado muujinaya xad-gudubyo ba'an oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo meelo badan ka dhacay, ayuu tiri afhayeenka.


"Waxaa jira warar sheegaya in kooxda TPLF ay xasuuq u gaysteen shacabka ku dhaqan Gashena iyo Waqooyiga Shoa" ayuu tiri afhayeenka rai'sul wasaaraha Itoobiya .


Waxay intaa ku dartay in marka laga soo tago dilalka loo geysto dadka aan waxba galabsan ay koox baaritaan ku sameyneyso tacadiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ay xog uruurin ka wadaan deegaanadaasi.


Sidoo kale, wasiiru dowlaha wasaarada isgaarsiinta dowlada Selamwit Kassa ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay shalay ku sheegtay in dambiyo gaysteen kooxda TPLF.


Wasiiru dowlaha ayaa sheegtay in ay jiraan warar sheegaya in boqolaal qof oo aan waxba galabsan lagu xasuuqay Gashena iyo Waqooyiga Shoa Antioch.


Ilaa iyo ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka falaagada TPLF oo ku saabsan burbur lagu eedeeyay inay gesyteen.


Barakaca ka dhashay dagaalka

Bilene oo soo xiganaysa guddiga heer federaal ee khatarta iyo ka hortagga masiibooyinka ayaa sheegtay in tirada dadka ku barakacay gobolka Axmaarada ay gaartay 1.4 milyan ka dib markii uu dagaal xooggan halkaasi ka dhacay.


Afhayeenka rai'sul wasaaraha ayaa bayaan ay soo saartay todobaadkii hore ku sheegtay in tirada dadka gudaha ku barakacay ay dhan tahay 1.1 milyan


"Waxaa jira warar sheegaya in kooxda TPLF ay xasuuq u gaysteen shacabka ku dhaqan Gashena iyo Waqooyiga Shoa" ayuu tiri afhayeenka rai'sul wasaaraha Itoobiya .


Waxay intaa ku dartay in marka laga soo tago dilalka loo geysto dadka aan waxba galabsan ay koox baaritaan ku sameyneyso tacadiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ay xog uruurin ka wadaan deegaanadaasi.


Sidoo kale, wasiiru dowlaha wasaarada isgaarsiinta dowlada Selamwit Kassa ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay shalay ku sheegtay in dambiyo gaysteen kooxda TPLF.


Wasiiru dowlaha ayaa sheegtay in ay jiraan warar sheegaya in boqolaal qof oo aan waxba galabsan lagu xasuuqay Gashena iyo Waqooyiga Shoa Antioch.


Waxay intaa ku dartay in dowladda federaalka ay 28,000 metric ton oo cunto ah u qoondeysay 2 milyan oo qof oo ku nool Waqooyiga Wollo, Koonfurta Wollo iyo Waqooyiga Shoa.

 

BBC

Loading...
Loading...