Afar Qodob Oo Lagu Soo Afjarayo Xiisaddii Bosaaso Oo La Soo Saaray

0
Wednesday December 08, 2021 - 06:16:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1067
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Qodob Oo Lagu Soo Afjarayo Xiisaddii Bosaaso Oo La Soo Saaray

    "Ma jiro ilaa iyo imika wax war ah oo ka soo baxay dhinacyadii is hayay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ma jiro ilaa iyo imika wax war ah oo ka soo baxay dhinacyadii is hayay"

Isimada Puntland ayaa soo saaray go'aan ay sheegeen in lagu soo afjarayo khilaafkii ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay agaasimihii hay'adda PSF.



Isimada ayaa shir u socday muddo labo toddobaad ah ka dib waxay soo saareen go'aano ka kooban 4 qodob oo ay shegeen in ay xal u yihiin khilaafkii taagnaa.


Qodobada go'aamada

1: Isimada ayaa go'aamiyay in la dhaqan galiyo go'aankii xil ka qaadistii lagu sameeyay agaasimihii PSF Janaraal Maxamuud Cusmaan Cabdulahi islamarkana xilka lagu wareejiyo agaasimaha cusub ee uu madaxweyne Deni soo magacaabay.


2: Isimada Puntland ayaa waxay sidoo kale go'aamiyeen in agaasimihii hore ee PSF la siiyo hubka iyo guryaha saldhigga u ah ciiddanka PSF.


3: Waxay dhanka kale isimada gudoomiyeen in xukuumadda Puntland ay bixiso xuquuqdii ciidamada PSF ka maqneyd muddada 13 bilood ah.


4: Isimada ayaa gudoomiyay in qarashaadka ku baxaya ilaalada gaarka ah Janaraal Maxamuud Cusmaan Cabdulahi ay dowladda Puntland bixiso.


Ma jiro ilaa iyo imika wax war ah oo ka soo baxay dhinacyadii is hayay oo ku saabsan go'aanadan ay soo saareen isimada Puntland.


Muxuu salka ku hayay khilaafka?

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa 24-kii bishii hore soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku magacaabayay agaasimaha cusub ee hay'adda PSF balse hoggaanka hay'addaasi ayaa magacaabistaasi iyo xil ka qaadistii agaasimihii hay'addaasi ku tilmaamay sharcidarro.


Taliyaha ciidanka PSF, Cabdiraxmaan Maxamed Jamac iyo ku xigeenkiisa Cabdulqaadir Cabdi Axmed oo ka jawaabayay hadal ka soo yeeray wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan oo ahaa in xilka uu wareejiyo agaasimaha ciidammada PSF, si waafaqsan wareegto dhawaan ka soo baxday madaxtooyada Puntland.


Taliyeyaashani ayaa dowladda ku eedeeyay in ciidamo badan ay dhigtay waddooyinka magaalada Boosaaso, si loo xayiro dhaqdhaqaaqooda isla markaana "la isugu laayo ciidamada", waxayna mar kale sharcidarro ku tilmaameen xil ka qaadistii uu dhawaan madaxweynaha Puntland ku sameeyey agaasimaha hay'addaasi Maxamuud Cismaan.


Ka dib markii ay labada dhinac is waydaarsadeen hadalo kulul ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay si wayn looga cabsi qabay in uu dagaal ka qarxo magaalada Bosaaso.

 

BBC

Loading...
Loading...