Nin Iyo Naag Is Qaba Oo Madaxweyne Iyo Madaxweyne Kuxigeen Isu Ah .

0
Tuesday December 07, 2021 - 12:22:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Nin Iyo Naag Is Qaba Oo Madaxweyne Iyo Madaxweyne Kuxigeen Isu Ah .

    "Waa Adigoo Xaaskaaga Madaxweyne Kuxigeen ka Dhigta"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa Adigoo Xaaskaaga Madaxweyne Kuxigeen ka Dhigta"

Ihan Aliyev waa Madaxweynaha Dalka Azerbijaan Mehriban oo Xaaskiisa ahna waa Madaxweyne Kuxigeenka Dalka Azerbijaan .

Waa Nin iyo Naag is Qaba oo Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen isu ah .



Sidaas oo ay tahay shacabka Dalkaas wax dhib ah uma arkaan ,

Sawiradan mar waxay Qaadanayaan Salaanta sharafta Calanka Marna waxay Joogaan Furinta Dagaalka oo waxay Booqdeen Ciidamada Azerbijaan ee Xoreeyey Gobolka Nagorno Karabakh .


Mehriban oo ah Xaaska madaxweyne Ilham aliyev ahna madaxweyne kuxigeenka Dalka Azerbijaan  ayaa Sawiradan barteeda facebook soo dhigtay Waxaana ka dhashay Falcelin badan waxayna ku Dul Qortay sidan .


"Xoraynta dhulkeena Nafta ayaan u Hurnay, Xilalka aan hayno waan iska illownay iyo inaan Xafiisyada iska Fadhino .


Furinta Dagaalka habeeno iyo Maalmo badan ayaan ku Hoyannay si aan Ciidankeenna wax ula Qabnno unna Dhiirino .


Habeenadii Aan Furinta Dagaalka joognay marka Cadowgu nagu soo Tuuraan Madaafiic Ninkayga aliyev madaxweynaha dalkeena  ayaan Gadaashiisa ku Gaban jirey.


Lkn markaan soo Xasuusto inuu yahay madaxweynihii dalka oo haduu Dhinto aniga Hortay in Cadowga Faxad iyo Guul u tahay ayaan intaan Boodo isaga Hortiisa Istaagi jirey si aan isaga Dhigo Rasaasta Cadowga.


Anigu Ma ahi Geesiyad Lkn Jacaylka Aan u Qabo Dalkan ayaa Geesiyad iga dhigay "

Cidna uma Sheegin intaan Joognay Furinta,  Waayo waxayagu Istus Nagama ahayn .


Lkn maanta inaan idiin sheego Xaq baad u leedihiin waayo Waajibaadkayagii waan Soo Dhammaysannay"

Soomaali Tan Oo Kale Ma Ka Suurtogali-kartaa?


Xigasho: Eid Mohamed Deria.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...