Angela Merkel Oo Ku Taamaysa In Ay Mar Uun Nasasho Fiican Iyo Hurdo Hesho

0
Tuesday December 07, 2021 - 09:22:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Angela Merkel Oo Ku Taamaysa In Ay Mar Uun Nasasho Fiican Iyo Hurdo Hesho

    W/Q: Jaamac Nuur Axmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Jaamac Nuur Axmed

16 sanno ka dib oo ay hogaanka u haysay dalka Jarmalka, ayaa waxa ay isu diyaarinaysa in ay xilkaa wareejiso. Markel, ayaa sheegtay in waxa ugu horeysa ee ay ka fikiraysaa uu yahay in ay si fiican u seexoto, heshana nasasho ku filan.



Sannadihii ay xilkay haysay waxa ay dalkeeda kala soo dabaalatay marxalado adag oo kala gedisan, waxa ay ixtiraam iyo qadarin weyn ka dhex samaysatay wadamadda Yurub, oo sogootintoodii ugu danbaysay ee ay u sameeyeen muujiyey dareen dhif ah, oo gaadhay in masuuliyiinta qaarkood yidhaahdaan, " ma garan karno muuqaalka middawga Yurub yeelanayo marka ay ka tagto xilka Merkel.


Agela Merkel, ayaa looga bartay in ay ku noolato nolol ana ka badbadsi lahayn, marar badana sida dadka caadiga ah uga adeegan jirtay goobaha ganacsi, ayaa waxa aad la isu weydiinaya waxa ay ku dhaqaaqi doonto marka ay rasmi ahaan kursiga uga degto. Su’aalo badan oo marar kala gedisan arrinkan laga weydiiyey ayaa aan marna jawaab waafi ah bixin. Arrinkan ayaa albaabka u furay malo awaal, qofba dhan ka eego waxa ay samayn doonto.


Waxa ilaa hada la hubo ayaa ah in Xaajyo Merkel ay shaqada ku daashay, mar uuna u baahantahay hurdo aan laga carsho carshayn..


Kursigu magac iyo ku fadhiisi uun ma aha, ee sharaftiisa iyo milgihiisu waa in aad ka tagto raad wanaagsan oo lagugu xasuusto. Garo oo dhuuni iyo dhaldhalaal aad kala tagtaa waa maalmo, waanu dhammaan.

" فأما الزبد فيذهب جفاءا، وأما ما ينفع الناس فيمكث في الأرض، كذلك يضرب الله الامثال"صدق الله العظيم.


Jaamac Nuur Axmed

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...