Buur-Madaw Waa Faysalka Bariga ( Abdi-Shotaly).
Runeey-na-run, beeneey-na-been iga dheh, Buur-madaw iyo Xaaji Beenaale ( Waa ka maxamuud xaashi ay yidhaahaane), waa labadda nin ee colaadda dhex dhigay Beelaha Bariga, siiba H.Jeclo iyo H. Yoonis, ee geed sare iyo mid hoose-ba u fuulay, maxaa iska bedelay kolkan hadaba?, ilayn keliggii maaha ee sheekadan buur-madaw qarxiyey, way ku wadda socdaane. Gogol baan u dhigayaa Garxajis aanay Ummadda kalee reer Somaliland, ee dulman iyana laga reebay, sidda Gabooye, Arab,Samaroon, Ciise Muuse, Ciise iyo Harti ( Dhulbahante iyo warsangeli) kuwaas oo aan kula jirin maxaa loo sheegayaa garxajis oo keliya., waa maxay ujeedadda ka dambaysaa shirka uu rabo in uu qabto? Ma isagaa ku baadhanaaya askarta? Nabad baan doonayaa? Bal yey is hayaan ee lagu dhex gelayaa? Aan jawaab kooban ku siiyo'e, wuxu wataa oo uu rabaa in lagu dhaqaaleeyo, waa sheeko rakhiis ah oo uu wax ku cuno, taas oo ah " Maamulka Askarta ee Hargaysa oo keliya ka dhisan iyo garxajis baan isku soo dhawaynayaa" Waxanu leenahay hadaba " Been-madaw, bello aanad adigu dhigini iyo cuqdad aanad adigu abuurini ma taallo meesha, in aad isku sii fidmayso baad doonay-saaye, adigu meesha dhaaf marka hore, kaana dhab ma aha, waa lagaa horeeyaa, waana lagaa dambeeyaa, oo uur-kaaga baa laga kaluumaysa-nayaaye, ciddii wax kaa dhegay-sanaysa u sheeg, horaa loo yidhi" Nimaad Taqaano uur-kiisa baad ku jirtaaye".
Waxan ku soo qoofalay qoraalkan " Buur-Madaw waa Faysal Zaadka Bariga, oo rux-ruxasho ayuu cumaamadad u soo qaataa. sidaas baanu ku xoogsadaa. Labadda reer ee H.Jcelo iyo H. Yoonis in ay heshiiyaan, oo meel uga soo wadda jeestaan gobol-koodda horu-marin-tiisa iyo dana-hoodda cid diidan ama ka hor imanaysaa, oo aan ahayn adiga ( Hadaad tahay Been-madaw). ma jirto, adiguna ma tihid kii dhex geli lahaa, waayo ka waxan-ba dhigay, ee aabaha iyo hooyadda u ah baad tahay. Wax labadda reer-ba ay ka jecel yihiin nabad, wadda jir, iyo isku kalsooni ma jirto, dhaaxaan ku lahaa ( Tiro-ba ilaa 4 maqaal oo aan kaa qorey), dhibatao dhex taal beelaha bari oo aan Buur-maadw iyo Xaaji beenaale aan ahayni ma jirto, oo aad ka dambayseen adiga iyo saaxiibkaa Xaaji beenaale, tiro laguma soo koobi karo, ee miyey iska kaa soo xidhay colaaddii aad wax ku urursan jirtay? Waana lagu yaqaan oo weligaa qas wade baad ahayd, intii aad dab ka baydhay qori dab leh, ood rabto in aad wax ku cunto baa la wareeg-taaye, Ma tii baa kuu shaqayn wayday? oo waxa ceeshkii kaa dhex galay "Askarta iyo Garxajis", Uun allaw cajeb. malaha xusuustii baa ka guurtaye, Been-madaw baa dermo nabadeed ku baaqay, uguna yeedhaaya, kuwuu dad horteed yidhi, ma idnkaa wax samayn kara?. ugu dambayn waxan kaga baxay maqaalkan " Xeedhadda sal-keedda baa malaha subug kaaga muuqdaaye, waa adiggii hore u daadiyey. H. Jeclo iyo H.Yoonis Wax-ba ma dhex yaalaan, loogu gar qaadaaye, dhibaato in aad ku dhex abuurto baad u soo tafa-xaydataye, kuu mari-mayso, haddii uu hunguri kaa galaye, si kale wax u raadso, oo adigu ka dhex bax, iyakaa dhamaysane.
* N.B Xeedhadda Salkeedaa Subug Iiga Muuqdaa!
Qore:- Abdi-shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!