Qiime-korodhka Maceeshadda & Rejo la'aanta Xukuumadda ee Talaabo Wax-ku-ool ah

0
Monday December 06, 2021 - 11:59:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiime-korodhka Maceeshadda & Rejo la'aanta Xukuumadda ee Talaabo Wax-ku-ool ah

    "Dhimista cashuurta shidaalka ee xukuumaddu qaaddo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dhimista cashuurta shidaalka ee xukuumaddu qaaddo"

Hargaysa (HWN) Xamse Cabdiraxmaan Khayre oo ah Xog-hayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska Xisbiga Waddani ayaa ka hadlay qiimaha maciishada iyo waxyaabaha daruuriyaadka ah oo suuqyada Somaliland sare ukac badani ku yimid.

 

Xoghaye Xamse ayaa u soo jeediyay talaabooyin wax lagaga qaba karo qiimo kaca ku yimid maciishada Xukuumada Somaliland, Xoghayaha ayaa sidaasi ku sheegay qoral uu baahiyay oo uqornaa sidan:



Wasiirka Ganacsiga iyo  Dalxiiska ayaa ka mid ah wafti wasiiro ah nabaddayn u tagay  maanta magaaladda Yagoori ee Gobolka Sool. Waa arin bogaadin mudan balse uu ku filan yahay Wasiirka shaqadaas leh oo wasiirka Arimaha Gudaha.


Wasiir Maxamuud X. Sacad (Saajin) isaga waxaa laga rabaa inuu wax ka qabto hawsha qaranka uu u qaabilsan yahay ee Xakamaynta Sicir-bararka guud ahaan iyo qiime-korodhka shidaalka, daqiiqda, gaasta cuntada lagu karsaddo iyo roodhidda laydhka kuwaas oo qudhoodu keeni karo xaaladdo nabadgelyadda halis galin kara.

Xalalka uu samayn karo ee aanu tan iyo bishii 6aad ee sanadka u soo-jeedinayno ayaa ah;


1. Laalista cashuurta soo-dejinta ee maceeshadda sida bariiska, saliidda iyo daaiiqda

2. Dhimista cashuurta shidaalka ee xukuumaddu qaaddo


3. Iyaddoo la kaashanayo hay'adda kaydka cuntadda qaranka, Ganacstada iyo hay'addaha gargaarka in cunto qaybin loo sameeyo qoysaska danyarta ah.


4. Ka horta nooc kasta oo kooto ah oo ka timaad ganacstadda ama xukuumada taas oo keenaysa in cid gaar ah u goyso qiime sare oo macmal ah u goyso suuqa.


Dhanka kale Golaha Wakiiladda ee Kalfadhigoodii hadda bilaabaya waxaa la gudboon in ay arinta soo faro-galiyaan kuna darsadaan ajendaha arinka ascaarta sii kordhaysa ee daruuriyaadka isla markaana ay kula xisaabtamaan xukuumadda fadhiidnimada iyo xil-gudasho la'aanta dhanka wax-ka-qabashadda sicir-bararka.


Allaa Mahad leh,

Xamse Cabdiraxmaan Khayre

Xog-hayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska Xisbiga Waddani

Loading...
Loading...